Midowga Yurub oo Sheegay inay Dawladda Itoobiya Kula Jiraan Wadahadal la Xidhiidha Dhismaha Jidka Berbera Corridor

 

 

Addis Ababa (SLpost)- Ururka Midowga Yurub, ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey inay dawladda Itoobiya kula jiraan wadahadal la xidhiidha dhismaha jidka isku xidha magaalooyinka Awash ee gudaha dalka Itoobiya iyo Tog Wajaale oo ku taal xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya, taasoo qayb ka ah mashruuca isku xidhka dekedda Berebra iyo waddanka Itoobiya (Berbera Corridor).

Xoghayaha labaad ee xafiiska Midowga Yurub ku leeyahay Itoobiya, ahna madaxa qaybta kaabayaasha dhaqaalaha Mr. Antonio Capone oo saxaafadda kula hadlay magaalada Addis Ababa toddobaadkii hore, ayaa sheegay inuu socdo wada-xaajood ku saabsan taageerada EU-da dhismaha jidka Berbera ku xidhaya Itoobiya.

“Waqti xaadirkan waxa aannu wada-xaajood kula jirnaa xukuumadda Itoobiya, iyadoo laga wadahadlayo suurtogalnimada in Midowga Yurub taageero ka gaysto dhismaha jidka magaalooyinka Awash iyo Tog Wajaale oo qayb ka ah mashruuca Berbera Corridor,” ayuu yidhi   masuulka u hadlay Midowga Yurub, kaasoo aan si cad u iftiimin waqtiga wadahadalku dhammaan doono iyo muddada la bilaabayo dhismaha jidka dekedda Berbera ku xidhaya magaalada Awash oo ka mid ah Killilka 3aad ee Itoobiya, gaar ahaan degaannada Canfarta.

Waxa kaloo Midowga Yurub caddeeyey inay lacag dhan 540 milyan oo euros, una dhiganta $613,764,000 (lix boqol, saddex iyo toban milyan, toddoba boqol, lixdan iyo afar kun) oo doollar ay u qoondeeyeey in waddooyin kala duwan loogu dhiso dalka Itoobiya shanta sanno ee soo socda haddii Ilaahay yidhaah.

Xoghayaha labaad ee xafiiska Midowga Yurub ku leeyahay Itoobiya, ahna madaxa qaybta kaabayaasha dhaqaalaha Mr. Antonio Capone, ayaa tilmaamay horumarka dhinaca dhismayaasha jidadka ee laga sameeyey dalka Itoobiya sannadkii 1997 ilaa 2014.

“Natiijada laga gaadhay dhismayaasha jidadku waa mid guul ah oo la xusi karo, iyadoo isku xidhka jidadka Itoobiya sare uga kaceen sannadkii 1997 oo ay marayeen 26 kun oo kilo mitir, halka ay sannadkii 2014 gaadheen ilaa 100 kun oo kiiloo mitir, waxaanna jirta in weli la qorshaynayo sidii jidad kale oo dhisi lahaa,” ayuu yidhi saraalka ka tirsan xarunta Midowga Yurub ee Itoobiya, kaasoo sidoo kale metela 16 waddan oo dalalka qaaradda Yurub ah.

Midowga Yurub, ayaa sidoo kale sheegay in celcelis ahaan saacadaha isku socodka gaadiidka ee degaannada miyigi Itoobiya aad hoos loogu dhigay, kadib markii la sameeyey jidad fududeeyey isu socodka dadka iyo gaadiidkaba.

“Marka la eego sannadkii 2007, saacadaha isku socodka gaadiidka ee degaannada miyiga ah waxay celcelis ahaan ahaayeen 4.5 saacadood, waxana arrintaas hadda lagu soo yareeyey laba saac oo qudha,” ayuu yidhi madaxa waaxda dhismaha kaabayaasha dhaqaale ee Midowga Yurub.

 

Xigasho: Tooshnews