Midowga Yurub oo Kordhiyey taageerada Mashaariic Dowladda Soomaaliya loogu gacan-gelinayo Ammaanka Biyaha Gacanka Cadmeed

 

Hargeysa (SLpost)- Midowga Yurub, ayaa laba sanno oo dheeraad ah ku kordhiyey hawl-gallo dhinaca ammaanka iyo Difaaca ah oo ay ka fuliyaan gudaha dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya, kaas oo Jamhuuriyadda Somaliland qayb ka tahay, waxaanay mashaariicahani dhinaca saarayaan oo lagu taageerayaa danaha siyaasadeed ee maamulka Muqdisho.

Mashaariicahan ayaa muddo-kordhin loo sameeyey ilaa sannadka December 2022-ka, ayaa la xidhiidha siyaasadda Midowga Yurub ee ku wejahan taageerada dhinaca ammaanka iyo difaaca ee Soomaaliya, kuwaas oo lagu kala magacaabo EUCAP Somalia oo ah mashruuc midowga Yurub ku taageero Kobcinta adeegyada bulshada, EUTM Somalia oo ah mashruuc tabobar loogu sameeyo Ciidamada iyo Operation Atlanta oo ah hawl-galka Ciidamada Badda Midowga Yurub kula dagaalaamaan budhcad-badeedda iyo hubka sharci-darrada ah.

Go’aanka ka dambeeya muddada loo kordhiyey inay mashaariicahan ayaa sababta loo qaatay lagu sheegay iyadoo la tix-gelinayo natiijada ka soo baxday dib-u-eegis iyo qiimayn lagu sameeyey siyaasadda ammaanka iyo difaaca ee Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika ee xilligan, isla markaana loo xoojin lahaa Doorka midowga Yurub ku yeelahay iyo jawaabta uu ka bixin karo isbeddelka xaaladda ammaanka ee mandaqadda Geeiska Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

Waxa kale oo wa-saxaafadeedka lagu shaaciyey muddo-kordhinta loo sameeyey Waajibaadka hawl-gallada Midowga Yurub ee Soomaaliya lagu sheegay in la ballaadhiyey Hawlihii ay hore u qaban-jireen Ciidamada Badda ee Midowga Yurub oo sannadkii 2012-dii loo aasaasay la-dagaalanka budhcad-badeedda.  Sidoo kale, waxa lagu sheegay in hawl-galka Ciidamada Badda ee Midowga Yurub isku ballaadhinayo laga soo bilaabo Badda Cas, marin-biyoodka Baabul-mandab ilaa Galbeedka Badweynta Hindiya.

“Iyadoo laga faa’iideysanayo guulaha laga gaadhay budhcad-badeedda xeebaha Soomaaliya, waajibaadka howlgalka ATALANTA waxaa lagu kordhiyay ka-hortagga hubka sharci-darrada ah iyo maandooriyaasha, iyo sidoo kale la socoshada dhaq-dhaqaaqyada sharci-darrada ah ee ka socda badda, waxaanu Howlgalkani gacan ka geysan doonaa hirgelinta cunaqabateynta hubka Qaramada Midoobay ee saaran Soomaaliya waxayna taageeri doontaa dagaalka lagula jiro Al Shabaab iyo ilaha ay dhaqaalaha ka helaan”, Sidaas waxa lagu sheegay war-saxaafadeedka ka soo baxay Hawl-galka Midowga Yurub oo xaruntiisu tahay magaalada Muqdisho.

Hawl-gallada ammaanka iyo difaaca ee Midowga Yurub ka wado Soomaaliya oo uu ku jiro maalgelinta barnaamij lagu tayaynayo Ciidamada badda ee Soomaaliya oo qayb ka ah qorshe ballaadhan oo ciidamo isku-dhaf ah oo ammaanka badda qaabilsan loogu samaynayo dalalka Geeska Afrika ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Qorshahan oo uu soo abaabulay Dalka boqortooyada Sucuudiga, waxa horaantii 2019-kii ka shiray dalalka ku midaysan urur-goboleedka IGAD oo lagu go’aamiyey hirgelint Ciidamo isku-dhaf ah oo ka hawl-gala biyaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed si ay u ilaaliyaan ammaanka iyo danaha dhaqaale ee gobolka, waxaana dhaqaalaha ku baxaya iyo farsamada Ciidan ee mashruuc si weyn uga qayb-qaadanaya Midowga Yurub oo arrintan ka taageeraya waddamo Soomaaliya ku jirto.

Haseyeeshee waxa arrintan ku gacan-saydhay Jamhuuriyadda Somaliland oo aan lagu marti-qaadin shirka lagu go’aamiyey hirgelinta isbahaysigaas oo ay ku tilmaantay mid ka soo horjeeda madax-bannaanideeda dhuleed maadaama Somaliland leedahay Xeebta ugu dheer biyaha Gacanka Cadcmeed oo ah marin-biyood muhiimad weyn ugu fadhiya isu-socodka ganacsiga mandaqadda iyo adduunkaba.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi, ayaa badhtmaha sannadkii 2019-kii ka hadlay hirgelinta Isbahaysigan, isagoo sheegay inay Somaliland soo dhawaynayso isla markaana ay doorkeeda ka qaadanayso isbeddellada dhaqan-dhaqaale ee ka jira mandaqadda Geeska Afirka.

”Shacabka Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay door weyn ka qaataan isbeddelka dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo bulsho ee ka socda Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika. Somaliland waxa ay aaminsan-tahay, kuna shaqaynaysay intii ay jirtay Iskaashi, Is-xaq-dhawr iyo Daris-wanaag”, sidaas waxa yidhi madaxweyne Biixi.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay qorshahan ku dedaafaysay bishii January ee sannadkan ku sheegtay inaanay qayb ka ahayn siyaasadaha, barnaamijyada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay wadaan dalalka xubnaha ka ah Isbaahaysiga Badda Cas ilaa iyo inta Somaliland ka maqan tahay layskana indho-tirayo kaalinteeda ku haboon ee ay ku dhex leedahay daneeyayaasha muhiim ah ee qorshahan. Balse waxa ay Xukuumaddu soo dhawaysay dedaallada iyo qorsheyaasha iskaashi ee lagu xoojinayo ammaanka iyo xasilaannida marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed oo halbowle u ah isu-socodka dhaqan-dhaqaale ee mandaqadda iyo Caalamka guud ahaan. Balse waxa ay xukuumaddu ku gooddiday inaanay xuquuqda baddeeda cid kale u daba-fadhiisan doonin.

Dalka Ethiopia oo ka mid ah waddamada IGAD ee aan Badda lahayn, ayaa ugu horreeya dalalka sida weyn u soo dhaweeyey qorshahan, iyagoo xilligan ku hawlan inay samaystaan Ciidamo Badda ah. Waxa kale Ehiopia ku hawlan tahay sidii ay dalalka Geeska Afrika ee xeebaha leh uga samaysan lahayd saldhig ay ka hawlaan ciidamadooda badda.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa dhawaan magacaabay Ergay gaar ah oo dowladdiisa u qaabilsan Arrimaha khuseeya isbahaysiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, kaas oo maamul ahaan ay hoos iman-doonaan hawl-gallada ciidamada badda Soomaaliya oo maalgelin ka helaya hay’adda EUCAP oo qayb ka ah hawl-gallada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Midowga Yurub ayaa shir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen badhtmaha bishii November ee sannadkan kaga wada-hadlay qorshe lagu dar-dargelinayo mashruuc malaayiin Dollar ku baxayso oo lagu tayaynayo Ciidamada Badda ee Soomaaliya.

Midowga Yurub ayaa Somaliland ka taageera mashaariic horumarineed oo ay ku jiraan tabobarka Ciidamada Ilaalada Xeebaha iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee ku saabsan kheyraadka badda, waxaana fulinta mashaariicdan wakiil uga ah hay’adda EUCAP oo xafiis ay ka hawl-galaan ku leh gudaha Somaliland.

Haseyeeshee, waa muddooyinkii u dambeeyey waxa soo if-baxayey dhaliilo loogu jeediyey hay’addan inay waddo hawl-gallo ka dhan ah Somaliland, maadaama oo Midowga Yurub maalgelinayaan Ciidammada badda Soomaaliya oo ay ka caawinayaan sidii ay doorkooda uga ciyaari lahayd hindisaha Ciidamada isbahaysiga badda Cas.

Haddaba warsaxaafadeedka Midowga Yurub ku shaaciyey muddo-kordhinta oo ku taariikheysan 23-kii December 2020, ayaa lagu sheegay in Midowga Yurub xoojinayo isla markaana joogtaynayo taageerada ay u fidiyaan Ciidamada Badda ee Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada dalkaas oo Somaliland lagu daray.

“EUCAP Somalia waxay joogteyn doontaa taageerada iyo xoojinta awoodaha Sharci ee badda Soomaaliya ee heer federaal iyo heer gobol ee Somaliland iyo Puntland,” Sidaas ayaa lagu sheegay qoraalka ka soo baxay xafiiska Midowga Yurub ee EUCAP oo u muuqda inuu ku hawlan yahay qorsheyaal liddi ku ah madax-bannaanida dhuleed ee Somaliland.

Taageerada Midowga Yurub ee Qorshahan oo khatarteeda leh, ayaa ku soo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Somaliland si adag uga hadlay isla markaana ugu gacan-saydhay inaanay cidna u daba-fadhiisan doonin danaha iyo aayo-ka-talinta horumairnta dhaqaalaha iyo ammaanka madax-bannaanida dhuleed ee Somaliland, isagoo ka hadlayey ergayga dowladda Soomaaliya dhowaan u magacowday arrimaha Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Dawlada Soomaaliya ayaa hore ula wareegtay Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Somaliland ka mid ahayd, kaddib muddo 30 sanno ah oo maamulkeeda ay gacanta ku haysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duullimaadyada ee ICAO.

Sidaas oo ay tahay, waxa xilligan muuqata in hay’adda EUCAP oo Xafiis ku leh Magaalada Hargaysa ay si cad ula safatay Dowladda Soomaaliya, iyadoo ka dhego-adaygtay baaqyada Madaxweynaha Somaliland ee ku aaddan isbahaysiga Badda Cas,  iyadoo qorsheyaasha Hawl-gallada EUCAP iyo EUTM ee Midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya u muuqdaan mid nabadgelyada iyo ammaanka Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas oo Somaliland ku taallo loogu gacan-gelinayo Dowladda Soomaaliya.

 

Lama Dafiri Karo Doorka Ay Somaliland Ku Leedahay Marin Biyoodka Gacanka Cadan Iyo Badda Cas

 

Prof Ibraahim Meecaad oo ka digay Shir-qoollo ka dhan ah Madax-bannaanida Somaliland iyo Damaca Isbahaysiga Badda Cas

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net