Midowga Yurub oo ka hadlay Dabka ka Kacay Suuqa Hargeysa, Ciidanka Dab-demiskana bogaadiyey

Advertisement

Hargeysa (SLpost)- Midowga Yurub, ayaa dareen murugo leh ka muujiyey dabka khasaaraha badan geystay ee ka kacay Suuqa ugu weyn Somaliland ee Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Xafiiska Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomasliya, ayaa sheegay inay ka murugaysan yihiin dabka qabsaday Suuqa Waaheen, waxaanay sheegeen inay dareenkooda la wadaagayaan shacabka Hargeysa iyo Xukuumadda Somaliland.

Midowga Yurub waxa ay bogaadiyeen hawl-wadeennada Dab-demiska ee la tacaalay daminta dabka Suuqa baabiiyey, waxaanay ballaan-qaadeen inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Shacabka Somaliland.

Advertisement

“Waxaanu aad uga xunnahay Dabka ka kacay Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa. Waxaanu la jirnaa muwaadiniinta reer Hargeysa iyo dawladda Somaliland, waxaananu mahadnaq u jeedinaynaa shaqaalaha dab-demiska iyo kooxaha ilaalinta dadka rayidka ah. Midowga Yurub wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu siiyo magaalada Hargeysa iyo shacabka Somaliland,” Sidaas waxa lagu sheegay qoraal lagu baahiyey barta twitter-ka ee midowga Yurub.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement