Midowga Murashaxiinta Soomaaliya oo Qaaddacay Hab-raaca Doorashada iyo Go’aamo ay soo jeediyeen

Hargeysa (SLpost)- Golaha Midowga Murashaxiinta u tartamaya doorashada Madaxtinimada Soomaaliya, ayaa qaaddacay habraac loo dejiyey doorashooyinka Mudanayaasha Golaha Shacabka oo shalay ka soo baxay Golaha Wada-tashiga Qaran, kaas oo ay sheegeen inuu khilaafsan yahay qodobbada dastuurka dalkaas.

Midowga Murashaxiinta ayaa qoraal ay maanta soo saraeen ku sheegay inay si gaar ah u diiddan yihiin qodobbada habraacaas ee la xadhiidha Oday-dhaqameedka, magacaabista bulshada Rayidka ah, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwan-gelinta ergooyinka oo dhammaantood gacanta loo geliyey madaxda dawlad Goboleedyada.

“Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka iyo heshiiskii 27-kii March oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si caddaalad ah, xor iyo xalaalna ah,” ayaa lagu yidhi qoraalka Midowga Murashaxiinta.

Advertisement

“Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragal ahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u daba-mareeyaan.”

Golaha Midowga Murashaxiinta ayaa ku tilmaamay habraaca mid ‘Dusha sare magac doorasho ka sita, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay’, waxayna ka digeen cawaaqib-xumo ka dhalan karta.

“Goluhu wuxuu ku adkaysanayaa in doorashadu ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah, taas oo ah dan qaran oo masiiri ah, kana gudubsan danta tartame kasta ee xilliga dhaw,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya.

 

 

Follow us On