Midowga Afrika oo war ka soo saaray Xiisadda ka dhex aloosan Soomaaliya iyo Kenya

 

Nairobi (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Fulinta ee Golaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat, ayaa ka hadlay xiisadda u dhexeysa dalalka dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya, taas oo maalmihii dambe cirka isku shareereysay.

Guddoomiyuhu waxa uu waalac ka muujiyey xaaladda ka dhex oogan labada dowladood oo horay isugu hayey arrimo la xadhiidha kiiska Badda ee hor yaalla Maxkamadda Caalamiga ah.

Moussa Faki Mahamat ayaa ka dalbaday madaxda labada dal inay is xakameeyaan, islamarkaana khilaafaadkooda ay ku xalliyaan wadahadal iyo deganaan.

Mr Mahamat oo bartiisa Twitter-ka ku baahiyey qoraal uu kaga hadlay arrintan, waxa uu Sidoo kale ugu baaqay xukuumadaha Muqdisho iyo Nairobi inay ka wada shaqeeyaan sidii dib loogu soo celin lahaa xidhiidhka derisnimo ee Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha Guddiga Golaha Midowga Afrika oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku dhuftay in ururkooda oo kaashanaya beesha caalamka ay sii wadi doonaan dadaalkooda ku aadan sidii la’isugu soo dhoweyn lahaa labada dhinac, loona dhameyn lahaa xiisadooda.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in Midowga Afrika uu diyaar u yahay, sidii la’isugu keeni lahaa labada dhinac, si ay u xaliyaan khilaafaadka ka dhexeeya.

Somalilandpost.net