Midawga Yurub iyo Dalka Ingiriiska Oo Gaadhay Heshiis Kadib Wada Hadalo wakhti Qaatay

EU(SLpost)-Madaxda Midowga Yurub ayaa si buuxda isugu raacay qorshe looga gol leeyahay in Britain lagu sii hayo ururkaas 28ka dal ka kooban.

160217200833_eu_uk_512x288_reuters_nocredit

Ra’iisul wasaaraha Britain David Cameron oo shir jaraa’id qabtay wuxuu soo dhoweeyey talaabadaas, wuxuuse sheegay in dalkiisu uusan isticmaali doonin lacagta Euro.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel ayaa heshiiskaas lagu sii haynayo Britain Midowga Yurub ku tilmaantay mid macquul ah.

Heshiiska ayaa yimid ka dib markii madaxda Midowga Yurub iyo Mr David Cameron ay magaalada Brussels ku yeesheen kulamo saacado badan socda.