Meydka Wiil aan la aqoonsan Cidda Dhashay oo laga helay Alleybaday iyo Xaaladda magaalada oo xalay qasantay

alaybadayHARGEYSA (SLpost)- Qof la dilay ayaa cawaysinkii xalay Meydkiisa laga helay magaalada Allaybaday oo ka tirsan gobolka Gabiley, waxaana la sheegay inuu ahaa Wiil yar oo 13/14 sano jir ah, isla markaana waxa Meydkiisa qaaday Ciidanka Ammaanka ee degmada, kuwaasoo baadhaya sida dilkaasi u dhacay, sida ay Wargeyska Himilo u xaqiijiyeen Saraakiisha Boolisku.

Taliyaha qaybta Ciidanka gobolka Gabiley oo Weriye ka tirsan Wargeyska Himilo khadka taleefanka wax kaga weydiiyey arrintaas, ayaa ka gaabsaday inuu wax faahfaahin ka bixiyo dilkaas, hase ahaatee xaqiijiyey Meydkaas laga helay gudaha magaalada Allay-baday, waxaanu intaas ku daray inay jiraan dad loo xidhay kiiskaas, kuwaasoo ay Ciidanka Ammaanku hawlgal ay sameeyeen isla markii meydka la helayba ka dib ay ku soo qabqabteen, kuwaasoo baadhisi ku socoto.

“Wuu jiraa (Meydkaasi), laakiin baadhis baa ku socota oo ka hordhici mayno wax war ahna ka bixin mayno illaa ay baadhistu dhammaato oo natiijo sugan la helo.” Sidaa ayuu si kooban u yidhi Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Gabiley. Waxaanannu sii weydiinnay in la garanayo Meydka la helay, waxaanu si kooban u yidhi; “Waa la garanayaa, waana deegaanka, laakiin magiciisa ma rabo inaan kuu sheego, kiiskana baadhis baa ku socota oo weli waa la baadhayaa…”

Warar kale oo Wargeyska Himilo ka helay Gabiley, ayaa tibaaxay in Meydkan la helay yahay Wiil 13/14 jir da’diisu tahay, magiciisana lagu sheegay Mukhtaar Maxamed Xasan. Inkasta oo aan weli la caddayn sababta dilkiisu ku timi iyo cidda dishay toona.

Xaaladda magaalada Allay-baday, ayaa markii Meydka Wiilkaas lagu dhex-arkay xalay lagu soo warramay inay isu beddeshay mid qasan oo ay dadka qaarkood dhagax-tuureen Meheradaha iyo Xafiisyada Maamulka degmada, markii la garan-waayey cidda dishay, falkaas oo naxdin iyo argagax ku abuuray bulshadii magaalada joogtay. Inkasta oo xaaladdu markii dambe degtay markay Boolisku dad aanay tiradooda noo xaqiijin u qabqabteen kiiskaas, haddana waxa argagaxa keenay inay tahay markii ugu horreysay ee dhacdadan oo kale lagu arko magaaladaas, sida ay dadka deegaanka qaarkood sheegeen.