Maxkamadda Sare Oo Wax-beddel Ku Samaysay Xukun Hore Ugu Dhacay Dad Khasaare U gaystay Xadhkaha Shirkadda Somcable Iyo Cidda Qorsha Fududaysay

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare Ee Somaliland Ayaa Saaka Soo saartay go’aan Ay waxkaga Badalayso Xukun Iyo Mawdhow lacageed oo  maxkamada racfaanku ku riday sedex qof oo lagu helay in ay khasaare culus ugaysteen xadhkaha internetka qaada ee shirkada Somcable Wakhti Shirkadu ku hawlanayd sidii ay internet ugaadhsiin lahayd gobolka Daadmadheedh.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Ganacsade Cali Gobonimo

Xukunka kasoo baxay Maxkamada sare ayaa ee dib u eegista xukunkii hore Ee labadii xukun sane ayaa midkiiba ku riday xukun ah 2laba sano halka  uu hore ugu dhacay xukun 8sano ah iyo lacag dhan 625000kun oo dollar kaasi oo wakhtigan Maxkamada Sare Gabi ahaanba Meesha ka saartay lacagtii Marka hore Madhowga ahayd, kiiskan oo uu qaranku dhibane ka ahaa.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa xukunka maanta kasoo baxay maxkamada sare ka qaaday Anbiil dib u Eegis Ah.

Wararka hoose ee laga helayo sababta keentay In Maxkamada sare Waxka Badal intaa leeg ku samayso xukunkii hore ee Abwaan baashe iyo Macalinka iyo Eedaysanaha Maqan ayaa sheegay in ay keentay kadib markii xubno kamid ah gudidii dhex dhexaadinta Xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ah ay sheegeen in xisbiga wadani ka dalbaday ergadii dhex dhexaadinta In ay qodoba heshiiskooda lagu daro siidaynta xubnaha uxidhan khasaaraha loo gaystay shirkada somcable sidii loo furdaamin taasi oo keentay in xubin gudidan qayb ka ahaa horena uga tirsanaa masuuliyiinta somcable oo xidhiidh hoose ay leeyihiin gudoomiye Aadan Xaaji Cali uu ka shaqeeyay qorshaha xukunkii hore loo badalay Gabi Ahaana Meesha Looga saaray xukunkii khasaaraha dhaqaale ee shirkada somcable kaasi oo lagu sheegay  Cali Gobonimo  oo wakhtigan udub dhexaad u ah ergada dhex dhexaadinta hore door ugu lahaa magacaabistii Aadan Xaaji Cali  Taasi oo lala xidhiidhiyay in ay wakhtigan fududaysan dantii laga lahaa dib u eegista xukunkii hore ee xubnahan aan kor kusoo xusnay.

Dhanka kale Xogaha la xidhiidhka Waxka badal xukunka dadkii uxidhaa khasaaraha ay ugaysteen somcable ayaa intaa ku daray in dib u eegista danbe ee xukunka xubnaha kor aan kusoo xusnay eedaha xukunkoodan danbe laga saaray dambigii ay ka galeen somcable, halka Eedooda Lagu Soo Koobay Waxyaabo ay ku qoreen baraha bulshada.

Xukunka kasoo baxay Maxkamada sare iyo eedaha lala xidhiidhinayo gudoomiyaha maxkamada sare iyo shakhsiyaadka kale in ay fudaydiyeen waxka badalkiisa ayaa noqonaysa mid saamayn ku yeelan karta wada shaqaynta Maxkamadaha Kala Duwan.

 

Source: Wajaale News