Maxkamadda Sare Oo Qaraar Ka Soo Saartay Arji Komishanka Doorashooyinka Qaranka U Gudbiyey

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta go’aan ka soo saartay arji ay dhawaan u soo gudbiyeen Guddida Doorashooyinka Qaranka Oo Maxkamadda ka dalbaday muddeynta Doorashooyinka.

Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta ganafka ku dhufatay go’aan ku taariikhaysan 04/07/2023 kaas oo ay Guddida Doorashooyinka Qaranku ugu soo gudbiyeen inay Maxkamadda Sare fasiraad sharci ka bixiso mudeynta doorashooyinka Madaxtooyada iyo Ururrada siyaasadda.

Go’aanka maanta ka soo baxay Maxkamadda Sare oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiyaha iyo Toddoba Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Sare, ayaa lagu sheegay in fasiraadda Sharci ee Maxkamadda Sare loo baahan yahay tahay muran iyo khilaaf ka yimaadda qoddobada sharci ee dastuurka dalka isla markaana ay ku kala saarto cidda khilaafkaasi u dhexeeyo.

Maxkamadda Sare waxa ay sheegtay in muddeynta xilliga laga Qabanayo Doorashooyinku ay tahay shaqada Komishanka Qaranka u qaabilsan arrimaha Doorashooyinka, waxaanay ku boorisay inay muddeeyaan Dooraashooyinka maadaamaa komishanku yahay hay’adda kaliya ee Awoodda u leh.

“Maxkamadda Dastuuriga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay faraysaa Guddida Doorashooyinka Qaranka JSL in ay cayimaan wakhtiga doorashooyinka maadaama ay tahay awooddooda sida uu dhigayo Qodobka 16aad ee Xeerka Doorashooyinka Guud Xeer, Lr. 91/2020, faqradiisa 1aad.” sidaas ayaa lagu sheegay go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare.

Go’aanka Maxkamadda Sare