Maxkamadda Sare Oo Go’aan Kasoo Saartay Dacwadii Ay Xisbiyada Mucaaradka Ahi U Gudbiyeen

Hargeysa, (SLpost) -Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa go’aan ka soo saartay tallaabadii xukuumaddu ay xisbiyada mucaaradka ah kaga horjoogsatay in ay shirk u qabsan karaan huteelada dalka, waxaana ay ku dhawaaqday in xisbiyada mucaaradku ay xor u yihiin in ay shirar ku qabsadaan huteelada.

Kulan hada ka dhacay xarunta Maxkamadda sare oo ay goob joog ka ahaayeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, ayaa guddoomiyaha Maxkamadda sare halkaas kaga dhawaaqay in xisbiyada mucaaradku ay shirar hoteelada ku qabsan karaan hoteelada dalka.

Waxaana wararka halkaas naga soo gaadhaya, ay sheegayaan in wasiirka arrimaha gudaha Md.Cali Maxamed Waran Cadde oo halkaas ka hadlay uu xisbiyada mucaaradka ah ku wargeliyey in ay shirar ku qabsan karaan huteelada dalka. Isla mar ahaantaana ay qaadanayaan go’aanka ka soo baxay Maxkamadda sare.

Dhanka kale hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradka ah, ayaa iyaguna soo dhaweeyey tallaabadan, waxaana ay ku tilmaameen mid geesinimo leh oo uu si cadaalad ah u xukumay guddoomiyaha Maxkamadda sare  Pro.Aadan Xaaji Cali.