Maxkamadda Sare oo Go’aan Ka Soo Saartay Cabasho Ururrada Siyaaaddu Ka Gudbiyeen Wax-ka-beddelka Xeerka Doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Dastuurka JSL ayaa maanta go’aan ka soo saartay dacwad Dastuuri ah oo 03/03/2024-ka u gudbiyeen Lix Urur siyaasadeed oo cabasho ka muujiyey Wax-ka-beddelka lagu sameeyey Xeerka Doorashooyinka oo Goleyaasha sharci-dejintu ansixiyeen.

Urur-siyaasadeedyada dacwadda gudbiyey oo kala ah Horseed, Hilaac, SPP, Ogaal, Rajo iyo Mideeye, ayaa Maxkamadda sare ka codsaday inay fasiraad sharci ka bixiso qodobbada 26aad, 27aad iyo 51aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2024 iyo Qodobka 93aad ee Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaangalinta Codbixiyayaasha, xeer Lr 91/2023.

Urur siyaasadeedyada ayaa Maxkamadda ka codsaday inay fasiraadda sharci ee qodobbadan ku xaqiijiso in wax-ka-beddelka lagu sameeyey ka hor-imanayo Dastuurka dalka iyo in kale.

Advertisement

Go’aanka Maxkamadda Sare ka soo saartay Fasiraadda Sharci, hoos ka akhriso

Follow us On