Maxkamadda Sare oo dhex-dhexaadin ku dhamaysay Dacwadda Markabka MV Jabal Ali 3 oo muddo ku xayirnaa Dekedda Berbera

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa go’aan ka soo saartay Dacwad u dhexaysay Wakiilka Dhowr shirkadood oo dalka laga leeyahay iyo Wakiilka Markabak MOV Jabal Ali 3 oo muddo ku xayirnaa Dekedda Berbera.

Dacwaddan ay Maxkamadda Sare maanta ka gar-naqday ayaa u dhaxaysay Maxamed Cisman Cabdi oo wakiilka Shirkadaha Shirkadaha Oomaar, Saba-wanaag, Cali Burco, Samaale, Horseed, Barako, Qoormadoobe iyo Nuux oo uu wakiil u yahay Maxamed Cismaan Cabdi iyo Liibaan Axmed Maxamed Cashuur oo ah Wakiilka Markabka MV Jabal Cali 3 oo ay leedahay shirkadda Kenz

Markabka Jabal Cali 3 ayaa xayirnaa tan iyo 2-dii bishii hore, kadib markii Maxkamadda Gobolka Saaxil ay xayiraad u saartay dacwad ay u soo gudbiyeen shirkadaha sare ku xusan oo uu ka maqnaa Markabka Jabal Cali 5 oo u siday hanti gaadhaysa ilaa 7 Milyaan oo doolar.

Dhinacyada ay dacwaddu ka dhaxaysay ee isku maan-dhaafsanaa arrinta Markabka Jabal Cali 3 xayiraadiisa ayaa Maxkamadda Sare u soo gudbiyay cabasho ku qotonta arrintooda, taasi oo ay Maxkamadda Sare ku soo af-jartay dhex-dhexaadin (mediation and arbitration) ay labada dhinacba heshiis ku yihiin, si loo soo furdaamiyo hantida ka maqan shirkadaha waddaniga ah, isla markaana uu Markabka Jabal Cali u sii wato shaqadiisa.

Maxkamadda Sare waxay go’aamisay in Maxkmadda Gobolka Saaxil ay xayiraada ka qaado Markabka Jabal Ali 3, marka ay fuliyaan dhinacyadu heshiiska ka soo baxay, wada-hadalka (negotiation) iyo dhex-dhexaadinta (mediation & arbitration) ay Maxkamadda Sare ku soo gunaanaday murankii u dhexeeyay labada dhinac, sidoo kale dhex-dhexaadinta lagu so af-jaray muranka waxa ka qayb qaatay badhasaabka gobolka Saaxil Axmed Maxamed Xaashi iyo maareeyaha dekedaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi.

Arrintan wada-hadalka iyo dhex-dhexaadinta ee lagu furdaamiyay Markabka ayay Maxkamadda Sare ku xalisay dacwaddo muddo dheer taagnaa oo wakhti qaatay isla markaana xal iyo maare loo waayay.

Markab MV Jabal Ali 3 oo ay leedahay shirkadda Kenz, ayaa ka diiwaan-gashan isla markaana sita calanka waddanka Panama oo ku yaalla Koonfurta qaaradda Ameerika.

Somalilandpost.net

conact@somalilandpost.net