Maxkamadda Racfaanka gobolka Maroodijeex Oo Mar kale Xayiraad Saartay Wargeyska Hubaal

Hargeysa (SLpost)- Maxkamada Racfaanka gobolka Maroodi-jeex ayaa xayiraad sharci daro oo aan geedna loogu soo gaban dib u saartay wargeyska madaxa-bannaan ee Hubaal oo ka soo baxa magaaladda Hargeysa kaas oo isla maalintii Shalay ay maxkamada Gobolku ka qaaday xayiiradii saarneyd wargeyska islamarkaana islamarkaana uu wargeysku bilaabay isla xalay hawshiisii, Maanta oo Isniin ahna uu soo baxay daabicaadii u horeysay muddo laga joogo saddex iyo toban bilood oo uu wargeyska xayirnaa.

xayiraad_HubaalAmarkan dambe ee dib loogu saaray xayiraadii saarneyd wargeyska Hubaal ayaa sharci daro aan geed loogu soo gaban ah islamarkaana ah tacadi iyo xaqdaro ummadu si toos ah u arkayso oo garsoorka dalku kula kacay wargeyska Hubaal iyadoo uu wargeysku mudda intaa le’eg u xayirnaa dacwad la’aan iyo kiis aanay maxkamad u hayn

Waxay ahayd 25-kii bishii sideedaad ee sanadkii ina dhaafay 2014 markii ay maxakamada gobolku ay xayiraadii saarneyd ka qaaday wargeyska Hubaal,waxaana saacado kadib haddana xayiiradii saarneyd dib ugu celisay maxkamada racfaanka.

SOMALILANDPOST.NET