Maxkamadda New York Oo Lagu Soo Bandhigay Suleyman Abu Qayd Cajaladihiisii

NewYork (SLPOST) Maxkamada magaalada New York uga socota Suleyman Abu Qayd oo kamid ahaa kooxda Al Qacida, isla markaana qabay gabadh uu dhalay Osama Bin Ladin ayaa lagu soo bandhigay cajaladihii uu hore u duubay.

sulaiman-abu-ghaith

 

Xeer illaalinta Maraykanka ayaa ku eedaysay Suleyman Abu Qayd inuu kamid ahaa madaxda sare ee Al Qacida isla markaana uu wax badan kala socday weeraro ka dhan ah shacabka Maraykanka.

Cajaladaha maxkamada lagu soo bandhigay ayaa waxaa kamid ahayd Cajalad filim ah oo uu duubay Suleyman Abu Qayd oo xiligaasi ku sugnaa Afghaanistaan, bishii Oktober sanadkii 2001, bil kadib weeraradii 9/11, xiligaasi oo uu Abu Qayd sheegay in Maraykanka ay kusoo wajahan yihiin Duufaan Diyaarado ah isagoo Muslimiinta ugu baaqay inay ka fogaadaan daaraha dhaadheer ee Maraykanka.

Suleyman Abu Qayd ayaa ah 48 sano jir, wuxuuna horey usoo ahaan jiray Imaam masaajid ku yaal magaalada Kuwait oo uu kasoo jeedo. Wuxuuna kamid ahaa xubnihii ay qaraabada ahaayeen Hogaamiyaha Al Qacida ee u baxsaday wadankaasi Iran, xiligii Maraykanka duulaanka ku qaaday Afghanistaan.

Waxaana gacanta lagu dhigay kadib markii uu yimid wadanka Turkiga, waxaana la filayaa in lagu xukumo Xabsi daa’in hadii lagu helo danbiyada lagu soo eedeeyey.

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland