Maxkamadda Maroodijeex oo 7 Cisho oo Rumaan ah u dirtay 6 Xildhibaan oo Reer Gabiley ah iyo Garyaqaanno ka Hadlay Xadhiggooda

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa Saaka la horgeeyey lix Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka Degmada Gabiley kuwaas oo ciidamada Ammaanku ka soo qab-qabteen degmada Gabiley.

 

Xildhibaannada oo markii la soo qab-qabtay lagu xidhay Xarunta Ciidanka Dambi-baadhista ee Hargeysa, ayaa markii saaka la horkeegay Maxkamadda waxa uu garsoorihii Maxkamadda Fadhiyay isla markiiba ku xukumay in todoba maalmood oo Rumaan ah ku sii jiraan Xabsiga inta ay socoto baadhitaan ciidamada Ammaanku ku wadaan Kiiska dambigiisa loo haysto oo la xidhiidha kaddib markii laba ka mid ah oo u warramay Idaacadda BBC-du uu midkood sheegtay inuu yahay Maayarka magaalada Gabiley.

 

Haddaba qaar ka mid ah Garyaqaannada u doodaya xildhibaannada oo warbaahinta la hadlay, ayaa sharci-darro ku tilmaamay xadhigga xildhibaanada maadaama ay yihiin mudaneyaal la soo doortay oo xasaanad huwan.

 

Muuqaalka Hoose kaga boggo haddallada Garyaqaanada u doodaya xildhibaannada xidhan.