Maxkamadda Gobolka Maroodijeex oo Xukunno ku Ridday 12 Qof iyo Gaadiid ay wateen

 

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa maanta xukunno kala duwan ku ridday 12 qof oo lagu eedeeyey inay dalka soo geliyeen Qaad Sharci-darro ah oo lagu qabtay badeecaddii iyo gaadiidkii sidayba.

Fadhi ay maxkamadda Gobolku maanta yeelatay, ayaa lagu soo gunaanaday dhagaysiga dacwadda eedaysaneyaasha oo labadii maalmood ee u dambeeyey la dhegaystay, waxaana halkaas inaanu dambi lahayn maxkamaddu ku caddaystay hal eedaysane oo laga reebay dadka maanta la xukumay.

Advertisement

Go’aanka Maxkamadda ee maanta ayaa lagu go’aamiyey in xukuumaddu la wareegtay Gaadiidkii siday badeecadda sharci-darrada lagu qabtay.

Warkan oo faahfaahsan ka daawo muuqaalka hoose

Follow us On