Maxkamadda gobolka Maroodijeex oo Dhaarisay xildhibaan Cusub oo ku biiray Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda gobolka Maroodijeex, ayaa maanta dhaarisay Siciid Xaaji Axmed Cali Faarax (Afqallooc) oo ka mid noqon doona mudaneyaasha golaha deegaanka Hargeysa.

Siciid-AfqalloocXildhibaankan cusub ayaa buuxiyey kursigii uu iska casilay xildhibaankii ka horeeyey Mustafe Cismaan Daahir oo markii hore ku soo baxay doorashadii gooleyaasha deegaanka, balse xukun dil ahi ku dhacay ka dib markii uu magaalada Hargeysa ku dilay qof shacab ah sannadkii hore, isaga oo Siciid Xaaji Axmed ahaa xildhibaankii ugu codka badnaa ee ku soo xigay Mustafe Cismaan oo ay ka wada-tirsanaayeen Ururkii UMADDA ee ku hadhay doorashadii goleyaasha deegaanka oo dabayaaqada sannadkii 2012-kii ka qabsoontay dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, Faysal Cabdillaahi (Dhego-dhego), ayaa shalay xafiiskiisa ku dhaariyey xildhibaanka, waxaannu Xildhibaan Siciid Xaaji Axmed sheegay inuu ku faraxsanahay xilka uu qabtay, ka dib markii uu guddoomiyuhu dhaariyey.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan ka mid noqdo xildhibaanada Golaha deeganka Hargeysa oo aan hore ugu tartamay, kursiguna wuxuu yimaadaa marka Illaahay qaddaro, waxaanan ballan-qaadayaa inaan xaqiijiyo hadafka dadkii i doortay,” ayuu yidhi xildhibaan Siciid Xaaji Axmed (Af-qallooc) oo warbaahinta kula hadlay xarunta Maxkamadda gobolka Hargeysa ka dib markii la dhaariyey.

 

SOMALILANDPOST.NET