Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ oo Muddeysay Xukunka Muranka Badda ee Somalia iyo Kenya

Hague (SLpost)- Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ, ayaa la filayaa inay go’aan ka soo saarto muranka dhinac xuduudka badda ee u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo la filayo inuu wax weyn ka beddelo isticmaalka biyaha badweynta Hindiya.

Raysal-wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa shaaciyey in Maxkamadda ICJ bisha OCtober ee sannadkan u muddeysay go’aan ka gaadhista dacwadda oo xiisad siyaasadeed ka dhex-abuurtay labada waddan laga soo bilaabo sannadkii 2014-kii oo kiiska loo gudbiyey Maxkamada.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in ICJ ay ka garnaqi doonto dacwadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya 12 -ka Oktoobar, 2021 -ka,” sidaas waxa bartiisa Twitter ku sheegay Raysalwasaare ku-xigeenka Soomaaliya.

Natiijada Xukunka waxa rejo fiican qabta Soomaaliya oo marar badan diidday cadaadis uga imanayay Kenya iyo Midowga Afrika oo ku taliyey in xal diblomaasiyadeed iyo wada-hadallo lagu dhammeystiro muranka daba-dheeraaday ee dhinaca badda.

Dalalka deriska ah ee Kenya iyo Soomaaliya, ayaa ku muransan 30,000 Square Mile oo biyaha Badweynta Hindiya, halkaas oo la filayo inay ku duugan yihiin kheyraad tiro badan oo Shidaal iyo Gaasta dabiiciga ahi ku jiraan. Dhul-biyoodkan waxa si weyn ugu tiirsan kalluumaysatada Kenya.

Khilaafkan badda ee labada waddan ayaa ka soo bilaabmay fasiraado is-khilaafsan oo laga bixiyey sida loo xaddidayo xudduudda biyaha Badda ee labada waddan marka laga cabbir-qaato Jidada sooh-dinta dhulka.

In kasta oo ay Soomaaliya ku andacoonayso in xuduudkeeda dhinaca koonfureed u raacayo Jihada Koonfur-bari marka xuduudka Dhulka loo ballaadhiyo dhinaca badda, haddana Kenya ayaa ku doodaysa in soohdinta Soomaaliya ay u leexanayso qiyaastii 45-digrii dhinaca xeebta iyadoo Jihada Bari loo  raacayo khadka Loolka oo toos ah (Latitude).

Somalilandpostnet

contact@somalilandpost.net