Somaliland: Maxkamadaha Gobolka Maroodijeex oo Xukunno ku Riday Dhowr Weriye

Maxkamada sare ee Somaliland

Hargeysa (SLpost)- Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, ayaa maanta go’aan ka soo saartay dhegaysiga dacwad loo haystay saddex Suxufi oo magacyadoodu kala yihiin Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Cabdijibbaar Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Cali Khaliif.

Maxkamadda Gobolka Maroodijeex, waxa ay midkiiba sannad iyo Afar Bilood oo xadhig ah ku ridday Guddoomiyaha telefishanka MM TV Maxamed Cabdi Ilig iyo madaxa wararka ee Horn Cable TV Cabdijibaar Maxamed Xuseen.

Maxkamaddu waxa ay xorriyaddiisa u celisay suxufi Cabdiraxmaan Cali Khaliif oo ka tirsan telefishanka gaarka loo leeyahay ee Gobanimo TV oo xaruntiisa guud ku taallo Hargaysa.

Saxafiyiintan  ayaa ka mid ah 18 wariye oo 13-kii April, 2022 lagu xidhay Hargeysa, kaddib markii ay muuqaallo iyo warbixinno Live ah sameeyeen kacdoon ay sameeyeen qaar ka mid ah maxabiista ku jirta Xabsiga Dhexe ee Hargaysa.

Maxkamadda ayaa maalmo kaddib xoriyaddooda u celisay 15 kamid ah suxufiyiinta loo geystay xadhig-wadareedka, halka saddexda kale ee go’aanka xukunkooda maanta la soo saareen ku hadheen xabsiga.

Dhinaca kale, Maxkamadda Racfaanka ee Gobolka Maroodijeex, ayaa xukun 2 sanno ah ku ridday Cabdimaalik Muuse Coldoon oo loo haysto fal-dambiyeedyo kala duwan, kaddib markii maxkamadda gobolka Maroodijeex hore u sheegtay inay wax dambi ah ku weyday Suxufigan.

Haseyeeshee, xeer-ilaalinta Qaranka oo dacwadda ku soo oogtay, ayaa racfaan ka qaadatay go’aankaas, waxaanu kiisku u gudbay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Maroodijeex oo maanta soo saartay xukun isugu jira 2 sanno oo Xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo dhan 3 Milyan SLSH.

Qaar ka mid ah suxufiyiinta dalka, ayaa cambaareeyey xukunnada lagu riday suxufiyiinta oo ay ku tilmaameen cabbudhin iyo xad-gudub loo geystay madax-bannaanida saxaafadda Somaliland.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net