Maxkamad Xukun ku ridday Mulkiilayaasha Shirkadda Smith and Ouzman oo Fadeexado Musuq-maasuq oo Somaliland qayb ka tahay lagu helay

London (SLpost)- Maxkamad ku taala degmada Southwark oo ka tirsan magaalada London, ayaa soo gebo-gabaysay wejiga koowaad ee dacwad musuq-maasuq oo loo haystay Afar sarkaal oo ka tirsan shirkadda Smith & Ouzman oo qaadatay qandaraaska daabacadda Agabka Doorashooyinka dhowr waddan oo Somaliland ku jirto.

Guddoomiyaha Shirkadda Christopher John Smith iyo Inankiisa oo lagu magacaabo Nicholas Charles Smith oo ah Agaasimihii Suuq-geynta, ayaa Maxkamadda degmada Southwark ku ridday Xukun isugu jira xadhig iyo ganaax, kaddib markii lagu helay inay lacago laaluush ah siiyeen shakhsiyaad ka tirsan Hay’adaha doorashooyinka Afar waddan oo ku yaala qaaradda Afrika intii u dhaxaysay sannadihii 2006-dii ilaa 2010-kii.

wwGo’aanka Maxkamadda

Fadhigii Maxkamadda ee Khamiistii dorraad, waxa uu Garsooruhu ku dhawaaqay xukunka lagu riday labada sarkaal ee ugu sarreeyey shirkadda oo dhegaysiga dacwaddoodu socotay muddo sannad ka badan.

Nicholas Charles Smith oo 43-jir ah, ayaa lagu helay inuu masuul ka ahaa bixinta lacagaha laaluushka oo shirkaddu ku heshay saddex qandaraas, waxaana lagu xukumay saddex-sanno ah oo xadhig ah. Halka Christopher Smith oo 72-sanno jir ah lagu xukumay 18 bilood xadhig ah iyo 250 maalmood oo u si tabaruc ah ugu shaqeeyo bulshada. Waxa kale oo maxkamaddu ku xukuntay inaanay muddo lix sanno ah qaban-karin maamulka sare ee Shirakadda oo Qoyskani iska leeyahay. Balse, waxa ay labadoodu shaaciyeen inay iska casileen xilalka ay ka hayeen shirkadooda.

Timony Hamilton oo shirkadda u qaabilsanaa Suuq-geynta waddamada dibadda iyo Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland isla markaana shirkadda uga wakiil ahaa isku-xidhka Guddiga Doorashooyinka Somaliland, ayaa xukunkooda dib loo dhigay, iyada oo la filayo in maxkamaddu todobad ku riddo xukunno kala duwan.

Afarta Sarkaal ayaa lagu eedeeyey inay lacago laaluush ah oo gaadhaya laba milyan oo Doolar siiyeen saraakiil ka tirsan hay’adaha doorashada iyo dawladaha waddamada Ghana, Kenya, Mauritiani iyo Somaliland si ay u maroorsadaan qandaraasyada Daabacadda agabka doorashooyinka.

Xukunka ka soo baxay maxkamadda oo noqonaya markii u horeysay ee masuuliyiin ka tirsna shirkad laga leeyahay dalka Ingiriiska lagu xukumo laaluush lagu bixiyey qandaraasyo heer caalami ah, waxa dacwadda ku oogay isla markaana maxkamadda u gudbiyey Guddiga Daba-galka iyo baadhista Musuq-maasuqa ee dawladda Ingiriiska oo kaashanaya Xeer-ilaalinta.

Kenya iyo Mauritania

Masuuliyiinta laaluushka qaatay, ayaa ka tirsanaa Guddigii Doorashooyinka, Golaha sare ee Imtixaanaadka ee Kenya iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee waddanka Mauritania.

Saraakiisha ka tirsan Shirkadda Smith & Ouzman, ayaa lagu helay inay lacago laaluush ah ku bixiyeen qaadashada laba qandaraas oo ay ku daabacday waraaqihii codbixinta doorashadii muranku ka dhashay ee dalka Kenya ka dhacday sannadkii 2007-kii, taas oo galaafatay nolosha 1,300 qof halka 600,000 oo qof ku baraceen. Sidoo kale waxa ay shirkaddu lacago laaluush siisay saraakiil ka tirsan Guddiga Imtixaannadka ee Kenya oo u oggolaaday inay daabacdo waraaqaha imtixaanka Shahaadiga ah ee dalkaas isla sannankaas.

Fadeexadda musuq-maasuq ee ka soo baxay qandaraasyada shirkadda Smith & Ouzman oo dalka Kenya looga yaqaano Fadeexaddii Hilibka Digaagga (Chicken Gate), ayaa lala xidhiidhiyey inay ku lug lahaayeen wasiirro ka tirsan xukuumadda madaxweyne Kenyatta, kuwaas oo hore xilal uga soo qabtay xukuumadihii ka horreeyey. Waxaana la filayaa in magacyada shakhsiyaadkaas loo gudbiyo Hay’adda ka-hortagga musuq-maasuqa iyo Xeer-ilaalinta Guud ee dalka Kenya.

Sida ay qoreen warbaahinta dalka Kenya, waxa shakhsiyaadka fadeexaddan ku jira ka mid ah wasiirka Tamarta ee dalka Kenya Davis Chirchir oo xilligaas ka tirsanaa Guddiga Doorashooyinka ee Kenya.

Somaliland

Guddoomiyihii hore ee shirkadda Christopher Smith oo ay wehelinayaan saraakiil ka tirsan shirkadda Smith & Ouzman, ayaa badhtamaha sannadkii 2013-kii socdaal ku yimi Somaliland, kaddib marti-qaad uu ka helay Guddigii hore ee Doorashooyinka Somaliland oo shirkadda ku ammaanay tayada agabkii ay soo daabacday iyo wada-shaqayntii dhexmartay. Guddoomiyihii hore ee Guddiga Doorashooyinka Eng Ciise Xamar, ayaa munaasibad uu ugu qabtay magaalada Hargeysa waxa uu shahaado-sharaf ku guuddoonsiiyey guddoomiye Christopher oo uu ku ammaanay wada-shaqayntii dhexmartay iyo tayada Agabkii doorashada ee shirkaddu daabacday.

Xidhiidhka dhexmaray Shirkadda Smith & Ouzman iyo Guddigii hore ee Doorashooyinka Somaliland, waxa fududeeyey isla markaana labada dhinac isku xidhay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar oo ku guulaystay inuu shirkaddaas u gacan-galiyo Qandaraaska lagu soo daabacay Agabka doorashada oo gaadhayey Hal Milyan oo Dollar, waxaanay taas beddelkeeda shirkaddu ugu abaal-gudday Cabdiraxmaan Cumar lacag dhan 32 Kun oo Dollar, isaga oo qayb ka mid ah lacagtaas oo cadadkeeda lagu qiyaasay 12-Kun Dollar laaluush ahaan u siiyey masuuliyiin ka tirsan Guddigii hore ee doorashooyinka, kuwaas oo gacan-saddexaad loo sii mariyey, sida lagu sheegay cadeymo la hor-geyey maxkamadda degmada Southward intii lagu gudo-jiray dhegaysiga dacwadda.

@HIMILO