Maxkamad Laashay Xukun Xabsi Daa’in ah oo lagu fuliyey Madaxweynihii Hore ee Masar

Qaahira (SLpost)- Maxkamad Racfaan oo ku taala dalka Masar ayaa shalay laashay xukun Xabsi-daa’in ah oo lagu riday Madaxweynihii hore ee dalkaas Xusni Mubaarak, waxaanay amartay in dib loo qaado dacwadda hoggaamiyihii la riday oo loo haysto xasuuqa boqolaal mudaharaadayaal ah oo qayb ka ahaa kacdoonkii shacabka dalkaasi kaga tuureen xukunka.

Go’aanka xukunkan oo uu soo saaray Garsooraha Maxkamadda Racfaanka ee Degmada Qaahira Axmed Cali Cabdiraxmaan, ayaa dib u soo faqay qaraar si weyn loogu kala-qaybsamay oo  cadaaladda lagu horgeeyey hoggaamiyihii hore ee Masar iyo Saraakiishii Sare ee Nabad-gelyada Qaabilsanaa, iyada oo tallaabadani ku soo beegmayso laba sanno ka dib wakhti dalkaasi la itaal-daran yahay caqado siyaasadeed iyo dhaqaale.

mubarakMubarak oo hadda xabsi ahaan ugu jira cusbitaal milatari oo ku yaala magaalada Qaahira, ayaanu go’aankani waxba ka beddeli doonin xabsiga uu ku jiro, waxaana weli sii socda baadhitaannada lagu wado eedaymaha loo jeediyey.

In kasta oo aan la muddayn wakhtiga dib loo furayo dacwadda Kiiska loo haysto Mubarak, haddana maxkamaddu ma shaacin asbaabaha ay u cuskatay go’aankeeda, haseyeeshee waxa muddooyinkii u dambeeyey la rejaynayey inay maxkamaddu soo saarto Racfaanka xukunka Xabsi daa’inka ah ee lagu fuliyey Xusni Mubarak oo garsoore ka tirsan Maxkamadda xukunka ridday ay uu weyn u dhaliiley qaabka dacwadda loogu soo oogay, isaga oo sheegay inaan maxkamadda la horkeenin caddeymo dhammeystiran oo muujinaya xad-gudubyo ciidamada boolisku u geysteen dadkii mudaharaadayey.

Maxkamadda Racfaanta degmada Qaahira waxa ay sidoo kale amartay in dib loogu noqdo kiiska dacwadeed ee loo haysto Madaxdii hore ee Sirdoonka Habib el-Adly oo lagu xukumay xabsi daa’in. sidoo kale, maxkamaddu waxay go’aamisay in dib loo qaado dacwadda lix sarkaal oo ka tirsanaa Sirdoonka dalkaas oo qaarkood lagu eedeyey xil-gudasho la’aan la xidhiidha gabbood-falladii lagula kacay shacabkii bannaan-baxyada dhigayey.

Qaraarka maxkamadeed ee shalay laga soo saaray xukunka Hoggaamiyihii hore ee Masar, ayaa yimi maalin ka dib go’aan ka soo baxay Xeer-ilaalinta oo sheegayey xukun cusub oo ciqaabta loogu daro Xusni Mubarak oo lagu eedeeyey in isaga iyo saraakiil kale oo dawaladdiisii ka tirsanaa ay qaateen hadyado lagu qiimeeyey malaayiin lacagta Masar ah oo ay ka heleen Jariiradda ugu magaca weyn dalkaas ee Al-Ahram, taas oo tilmaamaysay sida ay xukunkiisa daawacadda ugu yihiin.

SOMALILANDPOST.NET