Maxkamad ku taala dalka Seychelles oo Burisay Xukun lagu riday Soomaali Falal Budhcad-badeednimo ku eedaysnaa iyo tirada Dadka Xoriyaddooda helay

Ile du Port (SLpost)- Maxkamad Racfaan oo ku taala magalada Ile du Port ee waddanka Seychelles, ayaa xabsiga ka sii daysay saddex maxbuus Soomaali ah oo falal la xidhiidha budhcad-badeednimo ugu xidhnaa dalkaas dhowr-kii sanno ee u dambeeyey.

MaxkamadMaxkamadda ayaa gaadhay go’aanka lagu bari-yeelay raggan, ka dib markii wax dambi ah oo la xidhiidha budhcad-badeednimo iyo caddaymo ku filan dambigooda lagu waayey saddex nin ee Soomaalida ah oo maxkamadi hore ugu ridday xukunno Xabsi ah oo dhan ka ugu yari 14 sannadood yahay. Waxaanu go’aanka maxkamaadu yimi gunaanadka dacwaddii loo haystay saddex nin oo tiraba saddex jeer oo kala duwan maxkamaddu u fadhiistay Bilihii April, August iyo December ee sannadkan 2014-ka.

Laba ka mid ah saddexda nin ayaa Racfaan ka qataay Xukun Maxkamadeed oo dhan 21 sanno oo xadhig ah, halak ninka saddexaad oo da’diisa lagu sheegay 16-jir lagu xukumay 14 Sanno oo xadhig ah.

Sida ay qortay Jariiradda Today In Seychelles todobaadkan, garsooraha Maxkamadda xukunka Cabsiga ah ku ridday saddexda Nin ee Soomaalida ah, ayaa Xeer-ilaaliyaha dacwadda oogayey oo ka socday dawladda Seychelles ay iska hubiyaan cadaymaha ay ku hayaan eedeysanayasha ka hor inta aanay maxkamadda horkeenin.

Saddexda Nin ee Maxkamaddu xorriyaddooda u soo celisay, ayaa ka mid ahaa koox budhcad-badeed Soomaali ah oo gadhaysay 25 qof oo ciidamada Badda dalka Denmark ka qab-qabteen meel uu dhow xeebta dalka Soomaaliya horaantii sannadkii 2012, iyaga oo halkaas ku furtay 14 qof muwaadiniin u dhalatay dalka Pakistan oo gacanta ugu jiray kooxda Budhcad-badeedda ah.

Ciidamada dalka Denmark oo ka tirsan hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budhcad-badeedda ee xeebaha badweynta Hindiya ku sugan, waxa ay Afar qof oo budhcad-bad-badeedka ka mid ah u gudbiyeen dalka Seychelles, Afar kalena waddanka Kenya si maxkamad loo saaro, halka 17-kii qof ee kale la sii daayey.

Haseyeeshee, go’aanka maxkamaddu xoriyaddoda ugu soo celisay ragga Soomaalida ah oo noqonaya tallaabadii u horeysay ee Maxkamadi ku buriso xukun lagu riday eedaysano loo haysto falal budh-cabadeednimo oo kiiska dacwadooda lagu qaaday gudaha dalka Seychelles, ayaa la filayaa in la fuliyo maalmaha soo socda iyada oo ragga Soomaalida ah dalkooda dib loogu celin doono.

Eedeysanihii afraad ee la socday saddexda nin ee xorriyaddooda helay, ayaa isagu ka noqday kiiskii racfaanka, isaga oo wakhti xaadirkan ku xidhan Xabsi ku yaala maamul-goboleedka Puntland ee dalkaasi Soomaaliya, halkaas oo uu ku sugayo inuu ku dhammaysto 21 sanno oo Xabsi ah.

Hay’ada UNDOC ee inta badan bixisa dhaqalaha dacwadaha lagu oogayoo guda galka dacwada iyo kiisaska kooxaha budhcad badeeda Soomaalida ku xidhan dalka Seychelles, ayaa wakhtigan ku hawlan sidii saddexda nin dalkooga hooyo dib loogu celin lahaa.

Xigasho: CodkaHargeysa.com