Maxkamad Eedaysane Kala Doorransiisay Xabsi Ama In Uu Iibsado Garanka Kooxda Kubadda Cagta Bayern Munich

Berlin (SLpost)- Garsoore u dhalatay dalka Jarmalka ayaa dhowaan go’aamisay xukun aad uga duwan ka caadi ahaan looga bartay garsoorka, kadib markii loo keenay dacwadda laba nin oo taageerayaal u ahaa kooxda kubadda cagta ee 1860 Munich ee dalka Jarmalka oo garaacay nin kale oo isagu taageera kooxda Bayern Munich oo kooxdan ay cadaawad ciyaareed oo soo jireen ahi ka dhaxayso, waxa aanay xukuntay in labadan eedaysane ay dhibbanahau soo iibiyaan laba garan oo ah kuwa ay ku ciyaarto kooxda kooxda Bayern Munich oo dhibbanuhu taageero, isla markaana ay siiyaan lacag u dhiganta 540 doolar oo magdhow ah, haddii kale ay 15 bilood oo xabsi ah doortaan.

Garsoorahan oo ah gabadh lagu magacaabo Karin Jung ayaa sheegtay in maadaama oo aanu eedaysanuhu dhib badan qabin ay markii hore diyaar u ahayd in xukunka ay u khafiifiso dhibbanayaasha, laakiin markii ay ka dhego adaygeen in ay qirtaan in dembi ay galeen isla markaana ku adkaysteen in aanay sheegayn nin saddexaad oo kula jiray dembiga ay go’aamisay in ay xukunkan adag ku riddo.

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Euro Sports oo laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa intaas ku dartay in qareenka labada eedaysane uu sheegay in cabsi badan oo marka hore ay ka qabeen in uu ku dhaco xukunka xabsiga 15 bilood ah oo keliyi ay aad u farxeen markii la isu barbar dhigay kala doorashada labadan xukun, sidaa awgeed ay markiiba ku ordeen suuqa si ay dhibbanaha ugu soo iibiyaan laba garan oo ah kuwa ay ku ciyaarto kooxda Bayern Munich ee dalka Jarmalku. Si kastaba ha ahaato ee labadan eedaysane ayaa la sheegay in ay u arkayeen in garsooruhu uu ku adkeeyey xukunka. Dhinaca kalana dhibbanaha ayaa aqbalay xukunka maxkamadda waxa aanu qaatay garamaantii loo soo iibiyey

Xigasho Geeska Afrika.