Maxay Xukuumadda iyo Mucaaradku ka yidhaahdeen Ujeeddada Safarka oday-dhaqameedka Muqdisho ku joogaan Hargeysa?

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland, ayaa tafaasiil ka bixiyey ujeeddada socdaal ay magaalada Hargeysa ku yimaaddeen madax-dhaqameed iyo ganacsato dalka Soomaaliya ka yimi, kuwaas oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport.

cukuse11121Madax-dhaqameedkan oo tiradoodu gaadhay 50 xubnood, ayaa socdaalkooda tuhun badani ka dhashay, ka dib markii ay diideen inay warbaahinta uga xog-warramaan ujeeddada uu daarran yahay socdaalkoodu, iyaga oo markii horena magaalada Muqdisho aamusnaan kaga soo baxay.

“Horta qolada ka timid Somaliya waa 50 madax-dhaqmeed, waxaanay ka socdaan shacabka Somaliya, waxa ay isugu jiraan madax-dhaqmeedyo, ganacsato iyo odayaal kale, laakiin socdaalkooda ugu weyn waxa weeyaan in ay arkaan Somaliland waxa ay qabsatay kuna hambalyeeyaan,waxna ka bartaan wixii kasoo baxa. Madax-dhaqameedyada dhiggooda ah iyo odayaasha way is arkeen, maantana waxa casuumad u sameeyey madax-dhameedka Somaliland, laakiin waxa ugu muhiimsan ee ay inaga baranayaan waxa ay noqonaysa sida nabada loo ilaashadoi iyo sida Somalilandnimada loo ilaashado, marka iyaguna Soomaaliyadooda ayey ilaashan doonaan,inana Somalilandtena ayeynu ilaashanaynaa, sida qarnimada loo dhisana way inaga baranayaana,” ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Cabdillaahi Daahir Maxamed (Cakuse) oo maanta warbaahinta ugu waramay magaalada Hargeysa.

Marka laga yimaaddo hadalka wasiirka, waxa socdaalka weftiga madax-dhaqameedka Soomaaliya dareen taban ka muujiyey Axsaabta Mucaaradka oo sheegay inay xukuumadda ka dhego-adaygtay dalab ay ugu gudbiyeen inay tafaasiil ka bixiyey ujeeddada ay u socdaan weftiga madax-dhaqameedka Soomaaliya.

“Odayaasha Xamar ka yimi waannu ixtiraamaynaa, laakiin ma ogin waxa ay u socdaan, annagu laba maalmood ka hor ayaannu Madaxtooyada u dirnay warqad, waxaannu ka codsanay inay macluumaad naga siiyaan, warqaddiina waxa igala soo xidhiidhay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, waxa uu ii sheegay in warqaddaasi gaadhay, waxaanan ku idhi qoraal noogu soo gudbi ujeeddada odayaasha reer Muqdisho u socdaan,” sidaa waxa yidhi guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Axmed Muumin Seed oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa.

Haseyeeshee, ilo-wareedyada u dhuun-daloola socdaalka weftigan, ayaa ujeeddooyinka safarkooda la xidhiidhay arrimo siyaasadeed isla markaana ay metelayaan dawladda Xasan Sheekh Maxamuud oo magaalada Muqdisho ka soo amba-bixisay.

Warar kale, ayaa iyaguna sheegaya in ujeeddada socdaalka Safarka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ku yimaaddeen Hargeysa la xidhiidho hirgelinta Mashruuc la sheegay in dawladda Turkigu maal-gelinayso oo la sheegay in lagu doonayo is-dhex-galka Bulshooyinka walaalaha ah ee reer Somaliland iyo reer Soomaaliya. Halka ay wararka qaar tibaaxayaan in ujeeddada socdaalka Odayaashu tahay mid siyaasadaysan, isla markaana ay tibaaxayaan inuu Madaxweynaha Soomaaliya u soo diray Somaliland si ay kulamo aan muhiimaddooda la shaacin ula yeeshaan Madaxda Dhaqanka iyo kuwa siyaasadda ee Somaliland. Balse dawladda Soomaaliya iyaduna weli dhinaceeda kamay hadal warkan.

Waxay ila-wareedyada tibaaxeen in dhinaca Xukuumadda Somaliland oo la sheegay inay aad u danaynaysay imaanshiyaha Weftigan Odayaasha ah ee Soomaaliya ka soo socdaalay, muhiimadda ay ka leedahay la xidhiidho inay soo dhoweeyaan Shacabka Soomaaliya si ay u taageeraan qaddiyadda madax-bannanida iyo gooni-isu-taagga Somaliland, maaddama oo uu wada-hadal u socdo Soomaaliya iyo Somaliland.

 

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net