Maxay Somaliland ka dhaxashay Midnimadii Soomaaliya? –

61 Sanno ka hor maanta oo kale, Somaliland waxa ay xorriyadda ka qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska 26 June, 1960-kii, iyadoo magaalada Hargeysa noqotay meeshii u horeysay dhulka Soomaalida ee calan laga taago.

Haseyeeshee, Afar maalmood kaddib, waxa ay Somaliland midow aan shuruud ku xidhnay la gashay Dhulkii Soomaalida ee Taliyaanigu Guumaysan jiray oo xoriyadda qaatay 01 July 1960-kii.

HALKAN WAXAANU idinku soo gudbinaynaa barnaamij laga diyaariyey waraysi laga qaaday qaar ka mid ah haldoorka Somaliland oo ka hadlay midhihii ka soo baxay Midowgii Soomaaliya.