Maxay Masuuliyiinta Wasaaradda Beeruhu Kala Kulmeen soo Arkeen Beeralayda Gobolka Awdal?

Baki (SLpost) – Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Prof. Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku tagay degaannada Xeego, Bedenbed iyo Degmada Baki ee Gobolka Awdal.

Ugu Horeyn, Agaasimaha guud iyo Weftiga uu hoggaaminayo, ayaa tagay deegaannada Xeego iyo Bedenbed oo tababbar uga socday 60 Qof oo ka mid ah beeralayda deegaankaasi.

Tarabbarkan oo ku saabsanaa ‘Habsami u isticmaalka sumaha’ lagula dagaalamo cudurada iyo cayayaanka beeraha waxyeeleeya, ayaa Agaasimaha guud wuxuu ka qayb-galeyaashii halkaa ugu qaybiyey qalab dhamaystiran, sida dharka la xidho marka Beeraha Sunta lagu buufinayo, Haamaha sunta lagu qaato, kabaha la xidho marka Sunta la isticmaalayo iyo Sumihii ay u baahnaayeen, si ay Beerahooda ugala dagaalamaan Cayayaanka Waxyeeleeya.

Advertisement

Tababbarkan oo muhiim ah, ayaa qayb ka ah Mashruuca ‘Dhaqaalaynta Ciidda iyo Biyaha’ ee Wasaaradda Beeraha iyo SDF ka wadaan Gobolka Awdal ka wadaan, kaasi oo meel fiican maraya.

Marka labaad, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Prof. Aadan Cabdillaahi Sheekh Muuse iyo Weftiga uu hoggaaminayey waxay kormeer ku tageen Degmada Baki, si ay ugu kuur-galaan xaaladda guud ee beeralayda degmadaasi, gaar ahaan kuwa waraabka ah.

Dhulka ay soo maree Agaasimaha Guud iyo Xubnaha kale ee safarka ku wehelinayey ayaa Roobanaa, dalagga ku beerana ayaa isaguna si wanaagsan u baxay, marka laga reebo meelo uu Cayayaan Waxyeeleeyay, cayayaankaas oo laga buufin doono.
Agaasimaha iyo Masuuliyiinta kale, ayaa intii ay safarka shaqo ku jireen, waxay la kulmeen qaar ka mid ah Beeralayda degaannadaasi, kuwaasi oo uga warramay Xaaladda Beerahooda iyo dedaalka ay ugu jiraan wax soo-saarka Beeraha.

Ugu dambayn, Safarka Weftiga uu hoggaaminayey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha, ayaa ku soo dhamaaday si wanaagsan.

Follow us On