Maxay Kenya uga baxday dhegaysiga Dacwadda u dhexeysa Somalia ee ka socota Maxkamadda Caalamiga ah?

 

Hargeysa (SLpost)- Dalka Kenya ayaa isaga baxay dhegeysiga Dacwadda ku saabsan muranka biyaha Badda Badweynta Hindiya ee u dhexeeya dalka ay deriska yihiin ee Soomaaliya, taas oo maalmihii la soo dhaafay ka socotay Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay inay caddaalad-darro ka tirsadeen nidaamka ay dhegaysiga Dacwadda u waddo Maxkamadda Caalamiga ee Qaramada Midoobay iyo Garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda oo dhalashadiisu tahay Soomaali oo Kenya ku eedaysay inuu u xaglinayo dhinaca Soomaaliya, taasina ay tahay sababta ay u go’aansadeen in aanay ka qayb-galin fadhiga dhegaysiga Dacwadda.

Advertisement

Sida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee AP, dowladda Kenya waxa ay sheegtay inay ku wargalisay diiwaan hayaha maxkamadda in inkasta oo ay mudnaan siinayaan kiiska, haddana dowlada ay ula muuqato in sii waddida dacwadda sharciga oo aanay kalsooni ku qabin ay labada waddan ka hor-joogsanayso inay helaan fursad ay xal kama dambays ah ku gaadhaan.

Bayaanka ay Kenya ka soo saartay ka bixitaanka dhegaysiga Kenya, waxa ay ku sheegtay walaac ay ka muujisay kalsooni-darro ay ku qabto garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda oo lagu magacaabo Abdulqawi Yusuf oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo hore Soomaaliya ugu metelayay Shirkii Saddexaad ee Qaramada Midoobay ka yeelato Sharciga badda sannadkii 1973-kii

Warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaah Dibadda Kenya ayaa lagu sheegay inay sidoo kale maxkamadda ku war-geliyeen inay jiraan dhinacyo kale oo dano dhaqaale ka lihi dabka ku sii hurinayaan hurinayaan dacwadda, kaas oo ay sheegeen inay halis ku yihiin isla markaana carqaladeynayaan nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Soomaaliya ayaa Maxkamadda Caalamiga ah ee ICJ sannadkii 2014-ka u gudbisay dacwadda ka dhalatay Muranka labada waddan oo salka ku haya xuquuqda lahaanshiyaha iyo xuduudka kala qaybiyo biyaha Badweynta Hindiya.  Aagga biyaha badda ee lagu muransan yahay oo ku fadhiya qiyaastii 100,000 KM labajibbaaran, ayaa la rumaysan yahay inuu hodan ku yahay saliidda, gaaska iyo kalluunka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On