Maxay Kawada Hadleen Xildhibaan Indho-Indho iyo Xildhibaan Kerry McCarthy Oo Yeeshay Kulan Saacado Qaatay?

Advertisement

London (SLpost)- Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa maanta Bristol ee dalka Ingiriiska kulan kula qaatay Xildhibaan Kerry McCarthy Oo ka tirsan Baarlamaanka UK.

Kulanka Oo ay Soo qaban-qaabisay Danjiraha Ganacsiga iyo maalgashiga Caalamka u qaabilsan Golaha Deegaanka ee Magaalada Bristol Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac Oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, ayaa qaatay muddo saacado ah, waxaana lagaga hadly Qadiyadda Aqoonsi-raadinta Somaliland Oo ay qayb weyn ka qaadatay Xildhibaan Kerry McCarthy Oo aasaastay Guddi ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska Oo taageera qadiyadda Somaliland.

Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho Oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha Guurtida, ayaa warbixin ka siiyey xildhibaanad Kerry Xaalada Somaliland, horumarka ka socda iyo baahida Somaliland u qabto aqoonsi caalami ah oo ay beesha caalamka ka hesho, waxaanu Md Indho-indho Xildhibaanada Baarlamaanka Ingiriiska ee ay hoggaamiso xildhibaan Kerry uga mahad-celiyey Taageeradooda Qadiyada Madax-banaanida Somaliland

Advertisement

Dhinaca kale, Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac ayaa uga mahad-celisay Xildhibaan Kerry McCarthy dadaalka ay galisay Qadiyada Madaxbanaanida Somaliland iyo xoojinta xidhiidhka Saaxiibtinimo ee ka dhexeysa Somaliland Iyo boqortooyada Ingiriiska.

Xildhibaan Hibaaq Cabdi Jaamac waxay sheegtay in Somaliland kusii dhawaanayso in la ictiraafo duniduna ay bulshada Dadaalkooda Abaalmariso.

Xildhibaan Indho-indho oo toddobaadyadii u dambeeyey socdaal ku joogay dalka Ingiriiska, natiijada kulanka uu la yeeshay Xildhibaan Kerry oo ka tirsan Xisbiga Labour-ka waxa si weyn u bogaadiyey Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingriiska.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement