Maxay Ka Wada-hadleen Wasiirka Horumarinta Biyaha iyo Guddiga Dhaqaalaha ee Wakiillada Oo Kulan Yeeshay?

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha ee Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa maanta hortay Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada.

Kulanka Wasiirka iyo Guddiga oo ku qabsoomay Xarunta Golaha Wakiillada, waxa uu Md Cali-Mareexaan Warbixin ku aaddan masuuliyadda iyo hawl-qabadka Wasaaraddiisu Qaranka u hayso siiyey Guddiga Dhaqaalaha.

Wasiirka iyo Xubnaha Guddiga oo markii kulanku dhammaaday warbaahinta la hadlay waxa ay faahfaahin ka bixiyeen arrimaha laga wada-hadlay.