Maxay ka wada-hadleen Madaxweyne Muuse Biixi iyo Danjire James Swan?.

Advertisement

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay, Ambassador James Swan iyo wefti uu hoggaaminayo oo dalka soo gaadhay.

Wakiilka Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaalida James Swan, waxa safarkiisa uu ku yimi Somaliland iyo kulan dhexmaray madaxweyne Biixi ku wehelinayay madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee WFP, UN Women, UNHCR iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan xafiisyada qaramada midoobay ee Somaliland.

Advertisement

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha, kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa lagaga wada hadlay arrimo door ah oo ay kamid yihiin nidaamka wada-shaqaynta Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay, qorsheyaasha iyo barnaamujyada hay’adaha qaramada Midoobay salka u noqon doona.

“Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay uga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale, waxa laga wada hadlay arrimaha doorashooyinka iyo taageerada qaramada midoobay ka gaysan karto.

Dhinaciisa, ergeyga gaarka ah ee qaramada midoobay waxa uu ku bogaadiyey xukuumadda, Axsaabta qaranka, Komishanka doorashooyinka qaranka iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland sida ay diyaarka ugu yihiin, uguna midaysan yihiin qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee wakiillada iyo deegaanka.” Sidaas ayaa lagu sheegay war-saxaafadeedka oo intaas ku daray in kulankaas diiradda lagu saaray arrimaha amniga iyo horumarka mandaqadda Geeska Afrika iyo kaalinta muhiimka ah ee ay kaga jirto Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Advertisement