Maxay ka wada-hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Wakiilka Dowladda Ingiriiska?

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, MdMuuse Biixi Cabdi, ayaa maanta Wakiilka cusub ee Dalka Ingiriisku u soo magacaabay Somaliland Danjire Lizzie Walker oo ay wehelinayaan saraakiil sarsare oo ka socda xafiiska UK ee Hargeysa.

War-saxaafadeed kooban oo madaxtooyada Somaliland kaga hadashay kulanka, ayaa sheegay sidan:- “Kulankan oo ujeedkiisu daarranaa soo dhawayn uu madaxweynuhu ku qaabiley wakiilka cusub ayaa madaxweynuhu xog buuxda ka siiyey horumarka iyo himilada qaranka Somaliland uu gaadhay, waxaanu uga mahadnaqay dawladda Ingiriiska iyo Baarlamaankeedaba dedaalkii iyo juhdigii ay geliyeen inay dareenkooda madax-bannaanida Somaliland la wadaagaan Beesha Caalamka kagana doodaan xarunta baarlamaanka dalkaasi, taas oo uu madaxweynuhu xusay inay shacbiga Somaliland-na kaga jawaabeen dareen saaxibtinimo oo salka ku haya xidhiidhka qotada dheer ee ka dhexeeya labada dal.”

“Dhinaceeda, Wakiilku waxa ay xustay inay la dhacsan tahay dedaalka horumarineed iyo Dimuquraaddiyadeed ee ka hana qaaday Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo sababtay in adduunku maanta indhaha ku hayo horumarka iyo wanaagga Somaliland ka socda.

Waxaana madaxweynaha ku wehelinaayey wasiir ku xigeenka wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland,” sidaas ayaa lagu sheegay ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Danjire Lizzie Walker oo Isniintii toddobaadkan soo gaadhay dalka, isla markaana kulan la qaadatay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr Ciise Kayd Maxamuud, ayaa beddeshay Danjire Stuart Brown oo dhowrkii sanno ee u dambeeyey xilka hayay.

Lizzie Walker oo toddobadii sanno ee u dambeeyey ka tirsanayd Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska u qaabilsan, gaar ahaan waaxda Barwaaqo sooranka iyo Horumarinta, ayaa labadii sanno ee u dambeeyey hoggaaminaysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo mashaariicda horumarinta ee dalalka Badhtamaha qaaradda Afrika.

Sidoo kale, danjire Lizzie Walker ayaa hore u soo noqotay Wakiilka Soomaliya u fadhiya Waaxda Horumarinta Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ingiriiska, iyadoo magaalada Muqdisho ka shaqaynaysay intii u dhaxaysay 2015 ilaa 2016-kii.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net