Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Boqortooyada Ingiriiska?

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiska ku qaabailay safiirka Dalka Ingiriiska Kate Foster oo safar Shaqo ku timid Somaliland.

War-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyada Somaliland, ayaa lagu sheegay in ujeeddada socdaalka danjire Foster la xidhiidho taageerada dowladda Ingiriisku kaga qayb qaadanayso taakuleynta Suuqa Waaheen oo 1-dii bishan ku baaba’ay dab xooggan oo qabsaday.

Warsaxaafadeedka waxa lagu sheegay:-

Advertisement

“Waxa Kulanka lagaga wada hadlay qodobo ay ka mid ahaayeen sidii dawladda Ingiriisku guud ahaan Somaliland uga taageeri lahayd masiibadii gubashadii suuqa waaheen iyo sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen taakulaynta abaaraha dalka ka jira.

Sidoo kale waxa laga wada-hadlay xoojinta xidhiidhka labada dal iyo guud ahaan adkaynta amniga gobolka oo ay Somaliland marwalba ka ciyaarto doorkeeda ugu habboon iyo dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka Somaliland ku soo foolka leh.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu dhankiisa uga mahadnaqay dawladda Uk, fariimihii tiraanyada gubashadii suuqa Waaheen ee Ra’iisal wasaaraha dalka Uk, wasiirka arrimaha dibeda, golayaasha, xildhibaanada iyo guud ahaan shacabka UK ay ula qayb-sadeen shacbiga iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ugana tacsiyadeeyeen dhibkaasi soo gaadhay suuqii ganacsiga ee ugu weyna Somaliland.

Waxaana madaxweynaha kulanka ku wehelinaayey wasiirka arrimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ah, Dr Ciise Keyd Maxamuud. Dhinaca weftigana waxa safiirka ku wehelinaayey wakiilka Dalka Ingiriisku u fadhida Jamhuuriyadda Somaliland, Marwo Lizzie Walker iyo Morgan Riley Madaxa horumarinta xafiiska Uk ee Somaliland.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxqafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland.

Follow us On