Maxay ka Wada Hadleen Madaxweynaha iyo Garabka Isbahaysiga Musharixiinta Kulmiye?

 

Hargeysa(SLpost)- Madaxweynaha JSL ayaa xalay la kulmay qayb ka mid garabyada ku loolamaya xisbiga Kulmiye oo ah garabka isbahaysiga musharixiinta dhawrka ah kaas oo ay ugu mudnaayeen laba ka mid ah gudida farsamo ee loo doortay shirka golaha dhexe ee xisbiga, islamarkaana ah hogaanka ugu sareeya ee xisbiga oo cabasho ka muujinaya maamulka sare ee xisbiga.

Guddoomiye-xigeenka saddexaad ee xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Mudane Cabdiraxmaan Talyanle ayaa waxa uu ka hadlay kullanka ay xallay la qaateen madaxweynaha qaranka Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo isaga oo sheegay in ay ka wada hadleen xaaladda xisibiga, geedisocodka iyo qabsoomida shirka golaha dhexe iyo sida loogu diyaar-garoobayo.

Mudane Talyanle waxa kale oo uu sheegay in isbahaysiga musharixiintu madaxweynaha kala hadleen sidii wax looga qaban lahaa laba cabasho oo ay qabaan. Talyanle waxa uu hadalkiisa ku bilaabay“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland xalay baannu kullanay, waxaanuna ka wada kullanayna waxa ay ahayd xisbiga Kulmiye shirkiisa loo mudeeyay bisha tobankeeda, si wanaagsan ayaannu isku afgaranay wada hadalkiina wuu noo socdaa. Run ahaantiina ama laba garab ha lagu sheego ama xisbiga Kulmiye ha la yidhaahdee waxaanu wada doonaynaa in shirka xisbiga Kulmiye dhaco si lagu wada kalsoon yaha, madaxweynuhuna wuu nala qaatay, guul baannu noogu dhammaan doonaa”

Cabdiraxmaan Talyanle waxa uu beeniyay oo uu meesha ka saaray warar sheegayey in aannay shirka ka qaybgalayn garabkoodu. “Aad baannu ugu kalsoonahay, shirka cid noo diidani ma jirto. Hogaankii xisbiga ayaannu nahaywaa u midaysannahay. Ragga kale ee garabkayaga ahi waa gudidii fulinta, kaadirkii xisbiga iyo Xubnaha golaha dhexe aqlabiyaddoodu xagayaga ayey ku badan tahay oo kalsooni baannu ku qabnaa. Kaliya uun waxa aannu doonaynaa masrax loo wada simman yahay oo musharixiinta xisbiga Kulmiye ku tartamaan, in ay si wanaagsan la iskugu afgartana waannu rajaynaynaa”

Shirka golaha dhexe oo bisha soo socota tobankeeda lagu wado in uu ka qabsoomo magaalada Hargeysa ayaa waxa lagu soo dooranayaa musharaxa madaxweyne iyo madaxweyne-xigeen iyo maamulka kale ee xisbiga. Kulmiye ayaa u kala jaban laba garab oo ku kala faylsan musharixiin tiro badan oo ku loolamaya labada xil ee ugu sareeya oo ah musharaxa madaxweyne iyo Ku xigeen ee xisbiga Kulmiye matali doona doorashada 2017ka ka qabsoomi doonta gayiga Somaliland.

 

Somalilandpost, Hargeysa Office.