Maxaad ka Ogtahay Shanta Kooxood ee Ugu Khatarsan Maafiyada (Budhcadda) Adduunka? – DAAWO WARBIXIN

 

Adduunka Guudkiisa, marka laga yimaaddo siyaasadaha hoggaamineed ee dowladaha ee dhinacyada Maamulka iyo Ammaanka, waxa jira Kooxo Qawlaysato oo saamayn ku leh Ganacsiyada, siyaasadda iyo Ammaanka. Kooxahani oo lagu tiriyo inay yihiin iskaashato isku xidhan oo ka hawl-gala meelo kala duwan oo Adduunka ah in kasta oo ay ku kooban yihiin waddamo gaar ah oo ay ka hawl-galaan. Waxa ay inta badan ku lug leeyihiin ganacsiyada suuqa madow sida hubka iyo maandooriyeyaasha.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaar ka mid ah Kooxaha Maafiyada Adduunka ee ugu khatartan iyo qaababka ay u hawl-galaan.

Italian Mafia

Kooxahan Talyaaniga ahi waa kuwa ugu horreeya ee markaaba maskaxda qofka ku soo dhacaya marka laga hadlayo dilalka iyo budhcadnimada qorshaysan ee laga gaysto meelo badan oo adduunka ah. Sannadkii 2005tii qiyaas la sameeyey waxa lagu ogaaday inay haystaan hanta gaadhaysa $50 bilyan, waxaana la sheegaa inay ka mid noqon lahaayeen shirkadaha ugu waaweyn waddanka Talyaaniga haddii ay midoobi lahaayeen.

Kooxda mafia-da ah ee ugu caansan waxa la yidhaahdaa Cosa Nostra waxaanay caan ku tahay inay adeegsato koox yar oo ka hoos shaqaysa oo la yidhaahdo Omertà taas oo lagu yaqaano inay hawlaheeda u fuliso si qarsoodi ah oo xataa aanay ogaanin saraakiisha dawladdu. Kuwan iyo kooxaha kale ee Maafiyadu waxa ay hawl-galladooda uga faa’idaystaan bulshooyinka danyarta ah iyo xataa kuwa lagu dul-noolyahan si ay hantaan awoodda ay wax ku duufsanayaan.

Muuqaalka Hoose Kaga Bogo Warbixinta oo dhammeystiran