Maxaad ka ogtahay Hoggaamiyaasha Caalamka ee uu ku dhacay Cudurka Covid-19?

hoggamieyaasha caalamka ee coronavirus

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxda dalalka Qaaradda Yurub qaarkood, ayaa is karantiilaya kaddib markii Xannuunka Covid-19 laga helay Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron oo ay kulamo wada-yeesheen.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa maalmihii la soo dhaafay ka qeyb galay dhowr kulan oo uu ku jiro kulan ay isugu yimaaddeen madaxda Midowga Yurub, iyadoo ay si gaar ah kulamo ay danahooda kaga hadleen uu ula yeeshay qaarkood.

Advertisement
BIDIX: Boris Johnson, Jair Bolsonaro, Ambrose Dlamini iyo Donald Trump

Waxaana hoggaamiyeyaashan ka mid ah Raysal-wasaaraha dalka ay deriska yihiin faransiiska ee Spain, kaas oo la sheegay inuu is-karansiili doono.

Madaxweyne Macron, ayaa noqday hoggaamiyihii ugu dambeeyay caalamka ee laga helo Caabuqa coronavirus.

Hoggaamiyeyaasha kale ee laga helay Cudurka Covid-19, ayaa kala ah:

  1. Raysul-wasaarah dalka Eswatini (Swaziland) oo ku yaalla Koonfurta Afrika, Ambrose Dlamini, ayaa Isniintii geeriyooday, kaddib markii caabuqa Coronavirus laga helay afar toddobaad ka hor.
  2. Bishii June ee sannadkan madaxweynihii xilka ka sii degayay ee Burundi, Pierre Nkurunziza, ayaa u geeriyooday xanuun ay dad badan uga shakiyeen Covid-19.
  3. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa virus-ka laga helay bishii October ee sannadkan, waxaana la siiyay daawooyin tijaabo ah saddex habeen oo uu cusbitaal ku jiray, isagoo markii dambe ku laabtay shaqadiisa Aqalka Cad.
  4. Raysal-wasaraha UK, Boris Johnson ayaa laga helay bishii March, waxaanu saddex habeen ku jiray qeybta daryeelka gaarka ah ee isbitaal ku yaalla London.
  5. Madaxweynaha dalka Poland Andrzej Duda ayaa bishii October laga helay fayraska wuuna is karantiilay.
  6. Madaxweynaha Guatemala, Alejandro Giammattei ayaa fayraska laga helay bishii September, inkasta oo la sheegay inuu khatar aad ah ugu jiro, haddana waxa la sheegaa inaanu xannuunku soo ridan.
  7. Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro ayaa laga helay bishii July, muddo ka badan laba toddobaad ayyuu gurigiisa isku karantiilay.
  8. Madaxweynaha Algeria, Abdelmadjid Tebboune ayaa labo bilood isbitaal u jiifay dalka Jarmalka oo loo qaaday kaddib markii cudurka laga helay bishii October, isagoo toddobaad ka hor muuqaal uu iska soo duubay sheegay inuu rajeynayo in degdeg uu ugu laaban doono Algeria.
  9. Raysal-wasaaraha Ruushka Mikhail Mishustin ayaa laga helay fayraska bishii April waxaana la seexiyay isbitaalka isagoo laga helay calaamadaha fayraska oo isugu jiray kuwo dhexdhexaad ah iyo kuwo daran.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Follow us On