Maxaa Sababay in Dowladda Djibouti Hoos u dhigto Cashuurta Badeecadaha Ethiopia ka dhoofiso Dalkeeda?

 

Djibouti (SLpost)- Dowladda Jamhuuriyadda Djibouti ayaa hoos u dhigtay 82.5% cashuurta ay ka qaaddo baddeecadaha Itoobiya ka dhoofiso Dekedaha dalkeeda sababo la xidhiidha wakhtigan lagu jiro awgii.

Sida ay todobaadkan baahiyeen qaar kamida Warbaahinta caalamiga ah, sababta ay dawladda Djibouti u qaaday talaabadan ayaa la xidhiidha dhibaatooyinka dhanka dhaqaalaha ee ka dhashay cudurka Corona Virus oo dunida faro baas ku haya.

Itoobiya iyo Djibouti, labadaba waxa sii kordhaya tirada kiisaska cudurkaasi ee laga helay, kaddib markii uu bilihii la soo dhaafay ka dilaacay, isagoo ku horeeyey dalka Itoobiya oo uu dad badan ku soo riday Dawladda Itoobiya ayaa si kooban uga hadashay go’aanka djibouti qaaday.

Raysal-wasaaraha Dalka Ethiopia, Abiy Axmed, ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan go’aanka dowladda Djibouti oo uu xusay inay u arkaan mid kamida taakuleynta iskaashiga ku dhisan ee culayska ka yimi cudurka Covid19.

“Mahad-naq balaadhan ayaa u dirayaa madaxweynaha Djibouti sida uu u aqoonsaday deriskiisa baahan, Iyada oo 82.5% hoos-u-dhigtay cashuur-dhaafka badeecadaha laga dhoofiyo waqtigan adag.

“Taakulayntu waxay markhaati u tahay ka-hortagga saamaynta COVID19 iyada oo loo marayo hoggaamin wadajir ah,” ayuu yidhi Abiy Axmed oo bartiisa Twitter-ka farriin qoraal ah ku baahiyey 14 Bishan April.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net