Maxaa Maraykanka ka Hortaagan inuu Ku Biiro Dagaalka Ukraine, Sideese uu ugu biiri karaa?

Hargeysa (SLpost)- Ciidammada Ruushka ayaa Jiho walba ka weeraray Dalka Ukraine, xilliganna waxa ay gudaha u galeen caasimadda dalkaas ee Kiev. Ruushku waxa uu doonayaa inuu xukunka ka tuuro madaxweynaha Ukraine oo siyaasaddiisu u janjeedho dhinaca reer Galbeedka.

Haddaha, In kasta oo aanay Ukraine ka mid ahayn xulafada NATO haddana waa waddan ay si weyn u danaynayaan Midowga Yurub iyo Xulafada reer Galbeedka, maadaama oo hoggaanka Ukraine ee xilligani siyaasaddii dalkaas lagu maamuli jiray u soo jeediyey dhinaca reer Galbeedka isla markaana uu ka soo jaray ku tiirsanaanta iyo mabaa’idada siyaasadeed ee Ruushka kaddib markii shacabka dalkaasi xukunka ka tuureen madaxweynihii siyaasaddiisu u janjeedhay dhinaca Ruushka ee Viktor Yanukovych sannadkii 2014-kii.

Haddaba, xilligan oo Ruushku u muuqdo inuu awood milatari kula wareego dalka Ukraine, waxa ay su’aashu tahay maxaa Maraykanka ka hortaagan inuu awood Milatari ku difaaco Ukraine ama dagaalka ku soo biiro.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden waxa uu dadaallo aad u xooggan oo dhanka diblomaasiyadda ah u sameeyay si uu uga hortago farogelin uu Ruushka ku sameeyo Ukraine. Maamulkiisu waxay digniino aad u clus ka jeedinayeen in Ruushka uu xoog ku galo dalkaas, waxa ayna ku dhawaaqeen in tallaabadaasi ay khatar gelineyso xaaladda guud ee caalamka.

Balse Madaxweyne Biden waxa uu sidoo kale caddeeyay in Mareykanku aanaay dooneynin in uu dagaal galo, inkastoo ay sida muuqata uu Ruushku diyaar u yahay dagaal xataa Haddii Maraykanku soo galo dagaalka.

Intaas waxaa sii dheer in Biden uu meesha ka saaray inuu ciidamo Mareykan ah u dirayo Ukraine si ay usoo badbaadiyaan muwaadiniinta Mareykanka ah, haddii ay xaaladdu heerkaas gaadho. Waxaa uu xataa Amray inay ka baxaan la taliyeyaashii militeriga Mareykanka ee ku sugnaa Ukraine.

Waxa aynu halkan ku soo bandhigaynaa sababaha Maraykanka ka hortaagan inuu biiro dagaalka iyo sida kaliya ee suurtagalka ka dhigi karta inay dagaal isaga horyimaaddaan Maraykan iyo Ruush oo labada quwadood ee ugu awoodda Badan Milatariga adduunka.

Qodobka koowaad waxa weeyaan inaanu Duullaanka Ruushka iyo Dagaalka ka socda Ukraine Saameyn ku lahayn amniga qaranka Mareykanka sababtoo ah Ukraine deris lama ah Mareykanka, mana martigeliso saldhig militeri oo uu Mareykanku leeyahay. Ukraine Mana laha keyd Saliid ah oo istiraatiiji ah, kamana mid aha xulafada waaweyn ee xidhiidhka ganacsi la wadaaga Mareykanka.

Hase yeeshee, in xaaladdu aanay saameyn ku lahayn amniga qaranka Mareykanka kama hor istaagin madaxweyneyaashii hore in ay dhiig iyo hantiba u huraan waddamo kale

Sanadkii 1995-kii, Bill Clinton waxa uu farogelin militeri ku sameeyay dagaalkii daba-socday burburkii Jamhuuriyaddii Yugoslavia ee caasimaddeedu ahayd Belgrade oo xilligan ah magaalo-madaxda dalka Serbia. Dhowr waddan oo xilligan ku yaalla Bariga qaaradda Yurub ayaa ka koobnaa Yugoslavia yadii Burburay.

Bishii October ee sannadkii 2011-kiina, Barack Obama waxa uu sidaasoo kale sameeyay markii uu qarxay dagaalkii sokeeye ee dalka Liibiya, inkastoo labada jeerba ujeeddada ugu weyn lagu tilmaamay inay ahayd mid la xidhiidha dhinaca bani’aadannimada iyo xuquuqda Aadanaha.

Sanadkii 1990-kii, George H W Bush waxa uu marmarsiiyo u helay ololihiisii caalamiga ahaa ee uu Ciraaq duullaan ugu qaaday ugana saaray markii ay qabsatay Kuwait, isagoo ujeeddadiisu ahayd in uu ilaaliyo sharciga caalamka.

La taliyeyaasha Biden waxay adeegsanayeen luuqad taas la mid ah marka ay ka hadlayeen sida uu Ruushku khatar ugu yahay nidaamka iyo nabadda adduunka.

Balse waxay ku talinayeen in jawaabtu ay noqoto mid dhanka dhaqaalaha ah oo cunaqabateyno loogu rogayo Ruushka oo aanay doonayn inay marnaba tallaabo militeri qaadaan.

Qodobka labaad ayaa ah inaanu madaxweyne Biden Jeclayn in uu farogelin caalami ah sameeyo, arrintanina waa mid ku saabsan shakhsiyadda gaarka ah ee madaxweyne Biden oo aan raalli ka ahayn in farogelin dibadeed sameeyo.

Marka laga reebo inuu xilligan Madaxweyne yahay, waxa hore u dhacday inuu taageeray faro-gelinno dibadeed oo Maraykanku sameeyey, waxaanu taageray farogelintii militeri ee uu Mareykanku 1990-meeyadii ku sameeyay dagaalladii Isir-tirka ahaa ee ka dhacay gobolka Balkans ee qaaradda Yurub kaddib markii ay burburtay Jamhuuriyaddii Yugoslavia.

Waxa uu sidoo kale u codeeyay tallaabadii uu Mareykanka dagaalka ugu qaaday Ciraaq sanadkii 2003-dii. Balse tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyay waxa uu muujinayey walwalka uu ka qabo in Mareykanku uu adeegsado awood militeri.

Arrinta Saddexaad ee Maraykan ka hortaagan dagaalka Ukraine, ayaa ah inaanay Shacabka dalkaasi doonayn dagaal waddankoodu galo xilligan. Tan ayaa lagu ogaaday cod-bixin laga qaaday shacabka dalkaas, taas oo soo bandhigtay inaanay shacabka Maraykanku boqolkiiba 72 doonayaan inay dowladdoodu door yar oo aan muuqan ka qaadato dagaalka Ukraine iyo Ruushka ama aanu gebi ahaanba ku lug yeelan.

Waxay xoogga saarayaan shacabku sidii looga caawin lahaa dhinaca dhaqaalaha, gaar ahaan ka hortagista sicir bararka, arrintaas oo ah mid uu Biden maskaxda ku hayo hadda oo loo dhow yahay kala badhka wakhtigii la doortay iyo waqtiga ka dhiman doorashada xigta.

Qodobka Afraad ee Maraykanka Hortaagan ayaa ah Cabsida laga qabo Halista ku aaddan inay Isku dhacaan dalalka ugu badan dunida maadaama oo labada waddanba haystaan hubka wax gumaada ee Nukliyeerka. Madaxweyne Biden ma doonayo in uu kiciyo Dagaalka Adduunka ugu weyn taasoo ah in ay si toos ah Ukraine ugu dagaallamaan Ciidamada Mareykanka iyo kuwa Ruushka.

Arrinta Shanaad ee jawaabta u ah suaashii aynu hore isu-weydiinaya, ayaa ah inaanay jirin Heshiisyo masuuliyeed oo Mareykanka ku kallifaya in uu halis galo. Weerar lagu qaado waddan kasta oo ka tirsan isbahaysiga NATP waxa uu la mid yahay weerar lagu qaaday dhammaan waddamada ku midoobay, sidaas awgeed maadaama aanay Ukraine ka tirsanayn xulafada NATO, marnaba suurta-gal maaha.

Haseyeeshee, waxa xilligan jira dedaallo hor leh oo Maraykanka iyo xulafadiisa NATO kaga hortagayaan in Ruushku ka soo tallaabo Ukraine, waxaanu madaxweyne Biden ciidamo u dirayay Bariga Yurub, isagoo kordhiyey kuwii horay usii joogay halkaas, si uu u difaaco xulafada Nato ee xadka la wadaaga Ukraine iyo Ruushka.

Tallaabadaasina waxay ahayd mid loogu xaqiijinayo dalalka horay uga tirsanaan jiray midowgii soofiyeeti, xilliganna ka tirsan Nato, kuwaas oo walaac xooggan ka qaba ujeeddada salka ballaadhan ee Madaxweynaha Ruushku ka leeyahay howlgalkan oo ah inuu Isbahaysiga NATO ka riixo Bariga Yurub.

Weerarka Ukraine waxa uu dib usoo celiyay walaacyada ku saabsan in dagaalka uu noqdo mid ballaadhan,  ha ahaado mid si aan ku-talagal lahayn faraha uga baxa ama mid ay Ruushka ku talogaleen. Hadii ay sidaasi dhacdana, waxaa khasab ah in uu dhaqan galo qodobka 5-aad ee dastuurka NATO oo waajibinaya in la difaaco xubin kasta oo ka mid ah isbahaysigan reer Galbeedka ee Maraykanku Hoggaamiyo.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net