Maxaa Madaxweyne Saylici ku Kallifay inuu ka tanaasulo Loolanka Hoggaanka Xisbiga Kulmiye?

 

Hargeysa (SLpost)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta si rasmi ah uga tanaasulay inuu ku tartamo Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo uu muddo 12 sanno ah ku soo fadhiyey.

Go’aanka Madaxweyne ku-xigeenku maanta shaaciyey ayaa ka dambeeyey kaddib markii Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Wershadaha oo ay ka soo wada-jeedaan Gobolka Awdal uu shaaciyey inuu kula tartamayo Kursigaas, arrintaas oo sababtay guux siyaasadeed oo saamayn ku yeeshay Shirweynaha 4aad ee Xisbiga Kulmiye oo horaanta bishan ka furamaya magaalada Hargeysa iyo Beelaha Bariga iyo Galbeedka gobolka Awdal oo labada masuul ka soo kala jeedaan.

Shir-saxaafadeed uu Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland maanta ku qabtay qasriga madaxtooyada oo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta ugu sarreysa xisbiga Kulmiye, ayuu Md Saylici ku shaaciyey go’aankiisa oo uu ku sababeeyey mid ka shidaal qaadanaya danaha Xisbiga iyo Beelaha reer Awdal.

Waxa uu Md Saylici ka sheekeeyey jarran-jarradii siyaasadeed ee uu ku soo gaadhay xilka madaxweynaha ee uu maanta hayo oo uu laba jeer ku tartamay, kuna guulaystay iyo waayihii ay isla soo mareen xisbiga bilowgii hankiisa siyaasadeed.

Muuqaalka Hoose kaga bogo hadallada Md Saylici oo isugu jira Gar-naqsi, Duur-xul siyaasadeed iyo Dardaaran uu u jeediyey Masuulka uu xilka uga tanaasulay.

 

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net