Maxaa Lagu Xusuustaa Shaqsiyadii iyo Sooyaalkii Faneed ee Khadra Daahir Cige oo Aas Qaran loo Sameeyey Hargeysa?

Hargeysa (SLpost)- Xaabalaha Halleeya ee magaalada Hargeysa, waxa maanta aas Qaran loogu sameeyey Marxuumad Khadra Daahir Cige oo xalay ku geeriyootay Cusbitaal ku yaalla caasimadda Somaliland.

Marxuumad Khadra Daahir Cige oo da’deedu ahayd 65-jir, ayaa ka mid ahayd hormoodka fanka Soomaalida intii u dhaxaysay 1974-tii ilaa 2004-tii oo ay fanka ka hawl-gabtay, waxa aaska qaran ee loo sameeyey ka qayb-galay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdhilaahi ismaaciil (Saylici), Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda, siyaasiyiin, Abwaanno iyo dadweyne aad u tira badan.

Masuuliyiinta ka qayb-galay aaska Marxuumadda iyo Abwaanno magac ku leh bulshada Soomaaliyeed oo aqoon-dheeraad ah u leh, ayaa ka warramay shaqsiyaddii iyo sooyaalkeedii dhinaca fanka.

Muuqaalka Hoose Ka Daawo Aaska Qaran ee loo sameeyey Khadra Daahir Cige.