Maxaa Ka soo baxay Kulanka maanta Dhexmaray Xukuumadda Somaliland iyo Haldoorka Laascaanood?

Laascaanood (SLpost)- Xukuumadda Somaliland iyo Waxgaradka magaalada Sool, ayaa maanta ku yeeshay magaalada Laascaanood.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan oo ay weheliyaan maamulka gobolka, waxa ay maanta xaaladda magaalada Laascaanood ka wada-arrinsadeen Madaxda dhaqanka iyo Hal-doorka Magaalada Laascaanood, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kooban oo ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Kulankan oo ka qabsoomay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Sool, ayaa waxaa lagu falanqeeyey sidii looga wada shaqayn lahaa adkaynta Amniga Magaalada Laascaanood iyo guud ahaanba Gobolka Sool, iyadoo laga wada shaqaynayo ama la iska kaashanayo Xukuumadda iyo Bulshada Magaalada Laascaanood ba, sidoo kale waxaa lagaga wada hadlay kulankan horuumarka Gobolka Sool,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu sheegay, “Kulankan ayaa ku soo dhamaaday isfaham, iyadoo la isla qaatay in meel looga soo wada jeesto wixii wax u dhimaya nabadgelyada iyo wada jirka bulshada. Kulankan waxaa ka qaybgalay Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, Gudoomiyaha Gobolka Sool, Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka JSL, Maayorka Degmada Laascood, Xildhibaano iyo dhammaan Taliyayaasha Ciidanka ee Gobolka Sool.” Sidaas ayaa lagu yidhi Warka ka soo baxay xukuumadda ee ku saabsan kulanka maanta ka qabsoomay magaalada Laascaanood.

Xarunta Gobolka Sool, ayaa maalmihii u dambeeyey ku jirtay xaalad kale kaddib markii isku-dhac dhimasho iyo dhaawac sababay dhexmaray Ciidammada Ammaanka iyo Dad shacab ah oo ka gadooday Dil magaaladaas loogu geystay Nin Dhalinyaro ah oo ka mid ahaa haldoorka gobolka Sool.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net