Maxaa ka jira in Shirkadda ku guulaysatay Qandaraaska tabobarka Ilaalada Sahaminta Shidaalku ay kaalin ku leedahay maamula Ciidanka?

gudoomiyha gudida qandaarsayda qaranka somaliland(1)Guddiga Qandaraasyada Qaranka oo iska fogeysay Eedaymo Musuq-maasuq oo loogu jeediyey nidaamkii loo maamulay Qandaraaska Tabobarka Ciidanka Ilaalada Sahaminta Shidaalka dalka 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Adan Axmed Nugaal, ayaa sheegay inay sharciyadda dalka waafaqsanayd habkii loo bixiyey qandaraaskii tababarka ciidanka ilaalada sahaminta shidaalka isla markaana hawsha doorashada iyo qiimaynta shirkadaha ay qayb ka ahaayeen wasiirro ah, khubaro ka socotay shirkadii diyaarisay shuruudaha qandaraaska iyo guddigooda Qandaraasyada.

Gudoomiye Adan Nugaal oo daba-socday eedo loogu jeediyey qaabka loo maamulay qandaraaskaas, waxa uu sheegay inay guddi ahaan iska fogeeyeen sharciyadda lagu xulanayo qandaraaska isla markaana ay u xilsaareen shirkad laga leeyahay waddanka Ingiriiska, taas oo dejisay shuruucda iyo shuruudaha qandaraaska lagu bixinayey.

“Shirkad la yidhaahdo Asaye Risk oo Ingiriis ah ayaanu ka codsanayn inay diyaariso shuruudaha qandaraaska lagu heli karo oo dhinacyo badan ka koobnaa, ilaa sida tababarka loo siinayo iyo casharada uu maalin walba qaadanayo askarigu ku qoran yihiin, markii shirkadii buuxisay shuruudaha ayey guddi saddex geesood ah oo maamulaysay isla qaateen, balse ma ahayn Afganistaan ayaan ka soo shaqeeyey iyo Hindiya in wax lagu bixinayey,” sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Nugaal oo isaga iyo xubno ka tirsan guddiga Qandaraasyada Qaranka maanta shir-jaraa’id kaga hadlay arrintan.

Gudoomiyaha oo ka jawaabayey dhaliilo musuq-maasuq oo nin sheegtay inuu wakiil u yahay shirkad Maraykanak laga leeyahay oo lagu magacaabo R4, waxa uu yidhi, “Maaha R4 inay iyagu is-qiimeeyaan, laakiin hadii ay cabasho qabaan ha u soo maraan dariiqa sharciga, annagaa diyaar u ah inaan u bayaamino sababahii ay keenay guuldaradoodii qandaraaska tababarka.”

Mar la weydiiyey cidda yeelanaysa maamulka ciidamada iyo inay jirto kaalin ay ku leedahay shirkada qandaraaska tababarka ku guulaysatay waxa uu ku jawaabay, “Ciidankaa oo ka tirsan Booliiska Somaliland maamulkiisa waxa leh wasaarada Arrimaha gudaha iyo booliiska, wax maamul ah oo shirkada tababaraysa ku leedahay ma jiro, keliya hawshoodu waa tababarka iyo eegid.”

SOMALILANDPOST.NET