Maxaa ka jira in Qaybo ka mid ah QALABKA Dhismaha Waddada Ceerigaabo laga Xaraashay Maamul-goboleedka Puntland?

waddada ceerigaaboCeerigaabo (SLpost)- Guddoomiyaha gobolka Sanaag, Axmed Cabdi Falay oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Ceerigaabo, ayaa jawaab ka bixiyey warar sheegay in qaybo ka mid ah Qalabka Dhismaha Waddamada Ceerigaabo laga iibiyay maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Warbaahinta Maxalliga ah ee dalka qaarkood, ayaa maalmihii u dambeeyey baahinayey xogo lagu sheegay in lagu ogaaday in qalabkii dhismaha Waddada Laamiga ah ee Isku xidhaysa gobollada Togdheer iyo Sanaag ee Somaliland ay masuuliyiin dawladda ka tirsani si hoose uga xaraasheen maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Haseyeeshee, Guddoomiyaha Gobolka Sanaag oo arrintan ka hadlay, ayaa beeniyey isla markaana waxba kama jiraan aan sal iyo raad-toona lahayn ku tilmaamay wararka lagu sheegay in qalabkaas la xaraashay.

Warkan oo faahfaahsan hoos ka daawo