Maxaa ka jira in Guddoomiyaha Garabka Toosinta WADDANI xil looga magacaabayo Xukuumadda KULMIYE?

Hargeysa (slpost.net)  Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Xisbiga WADDANI oo hoggaanka Xisbigaasi ay dhawaan ka xayuubiyeen xubinimaddii iyo xilkii uu u yahay Xisbigaasi sida oo kale na haatan ah hor-joogaha garabka la magac baxay toosinta WADDANI Siyaasi Axmed Muumin Seed, ayaa la filayaa in dhawaan isku shaandheyn uu samayn doono Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) loo magacaabi doono Badhasaabka gobalka Saaxil oo imika uu xilka gobalkaas ku magacaaban yahay Md.Jaamac Yuusuf Maxamed

Axmed Muumin Seed Oo Loo Doortay Guddoomiyaha Garabka Toosinta Xisbiga WADDANIWarkan oo aanu ka helnay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka ag dhow Siyaasi Axmed Muumin Seed, ayaa sheegaya in horraantii bishan kulan isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Somaliland ay ku yeesheen magaalada Berbera ay dood dheer ka dib isla af-garteen in uu qabto xilka guddoomiyenimo ee gobalka Saaxil, waxaana ay xogahaasi sii iftiiminayaan in sida oo kale Axmed Muumin Seed uu ku qancay in uu ku biiro Xisbiga KULMIYE oo iyada na la filaayo in maalmaha soo socda isaga iyo koox uu hoggaaminayaa ay ku biiri doonaan Xisbigaasi.

Siyaasi Axmed Muumin Seed oo la filaayo in uu qeyb ka noqon doono isku shaandheyn baaxad weyn oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu dhawaan ku samayn doono golahiisa wasiirada, badhasaabada goballada, agaasimeyaasha guud iyo guud ahaan madaxda hay’adaha dawladda Qaranka, ayaa waxa kale oo wararku tibaaxayaan in isaga iyo xubno ka mid ah garabkiisa la siiyey lacago laaluush ah oo lagu soo xero-gelinaayo sida oo kale na lagu sadqeynaayo hankooda siyaasaddeed ee mustaqbalka dambe.