Maxaa Ka jira in Cusbitaalka Guud ee Hargeysa uu ku Geeriyooday Qof Qaba Xannuunka COVID-19?

 

Hargeysa (SLpost)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa faahfaahin ka bixiyey xaaladda uu u dhintay qof looga shakiyey inuu Qabo Xannuunka Coronavirus oo ku geeriyooday cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha Guud waxa uu sheegay inay baadhitaan caafimaad ku sameeyeen Qofka geeriyooday oo ahaa Qof waayeel, balse aanay xilligan caddeyn karin inuu u geeriyooday xannuunka Covid-19, maadaama ay sheybaadhkiisa u direen dalka dibaddiisa.

Waxa uu agaasimuhu xusay inay baadhitaanka ku ogaadeen in marxuumka geeriyooday uu ku dhacay Xannuunka Faaligga, xaaladdiisa caafimaadna iska liidatay. Qofkan, ayaa la sheegay in laga soo gudbiyey mid ka mid ah cusbitaallada gaarka loo leeyahay ee magaalada Hargeysa, kaddib markii ay ku arkeen astaamaha Xannuunka Covid-19 oo looga shakiyey.

Warkan oo faahfaahsan kaga Bogo Muuqaalka Hoose

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net