Maxaa ka jira in Agaasimaha Guud ee Caafimaadku ui Kooto Ugu Xidhay Xarun Caafimaad Oo Uu Leeyahay Daawooyin Iibkooda Laga Mamnuucay Dalka?

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa dhawaan mamnuucday in goobaha caafimaadka ee gaarka loo leeyahay lagu iibiyo dawada qaaxada oo iibkeeda loo arkay khatar bulshada waxyeelayn karta.

Xarunta caafimaad ka ee Xergeeye oo ah xarun caafimaad oo gaar loo leeyahay mulkiilana uu ka yahay Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland Dr Maxamed Cabdi Xergeeye, ayaa la sheegay in lagu iibiyo dawada qaaxada taas oo ay hore u mamnuucday Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland in lagu iibiyo xarumaha cafimaad gaarka loo leeyahay.

Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka Somaliland ayaa isaga oo adeegsanaya awoodda qaranka kuna takrifalaya mas’uuliyadda uu u hayo wasaaradda caafimaadka ku iibiyaan xaruntiisa caafimaadk Hergeye clinic oo ku taalla magaalada Hargeysa.

Tallaabadda uu ku kacay  Agaasimah guud ee Wasaaradda harumarinta caafimaadka oo baadhitaan saxaafaddu samaysay lagu ogaaday, ayaa burinaysa go’aankii wasaaradda cafimaadku ku mamnuucday in dwaad lagu iibiyo xarumaha cafimaadka ee gaar ka loo leeyahay,

Go’aanka Wasaaradda harumarinta caafimaadka ee lagu mamnuucay iibka dawada qaaxada ayaa waxa markii hore lagu sababeeyay sidii loo yarayn lahaa la qabsiga is ticmaal ka dawada Qaaxada oo halis ku bulshada ku nool caalamka gaar ahaan ku nool qaaradda afrika ee aynu ka mid nahay oo ay la daaladhacayaan kumanaan qof oo ku nool Somaliland kuwaas oo qaadsiin kara dadka kale ee ay ku dhex nool yihiin si fudud, haddii aynu sii wadno sharaada xanuunka laqabsiga dawda qaaxada oo ah xanuu aan loo hayn dawo rasmi ah oo lagudaweeyo isa oo sababi kara xanuun ba’an oo dagdag loogu dhiman karo.

Ugu dambayntii haddii aan wax laga qaban tallaabadan uu ku kacay agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadku waxa ay dhiiri-galin u noqon kartaa in xarumaha kale gaar loo leeyahay ay iibiyaan dawadan iyo dawooyin kale oo mamnuuc ah iyo in go’aamada wasaaraddu ay socon waayaan.