Maxaa ka jira Dowladda QATAR wefti Culus oo ku gaashaan Diyaarad Mucaawimo Sidda u soo dirayso Somaliland?

 

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Qatar ayaa la filayaa inay magaalada Hargeysa u soo dirto wefti culus oo wata diyaarad gaar ah oo ay ku sidaan mucaawino ay ugu tallo galeen ka hortagga xanuunka Covid-19 ee saamaynta ba’an ku haya caalamka.

Sida uu qoray Wargeyska Geeska Afrika oo soo xiganaya ilo-wareedyo kala duwan, weftiga dowladda Qatar, ayaa la filayaa inay caasimadda Hargeysa soo gaadhayaan toddobaadkan, waxaana u qorshaysan inay mucaawinada ku wareejiyaan guddiga ka hortagga xanuunkan oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

Si rasmi ah looma oga in deeqdan ay dawladda Somaliland ka codsatay dawladda Qatar iyo inay dawladda Qatar si iskeed ah isugu xilqaantay inay shacabka reer Somaliland soo gaadhsiiso mucaawimo.

Wasiirka arrimaha dibadda oo uu wargeyska Geeska Afrika isku dayay inuu arrintan ka waraysto ayaanay u suurtogelin.

Deeqdan ayaa noqonaysa tii u horaysay ee dawladda Qatar uga timaada si toos ah ee soo gaadha shacabka reer Somaliland.

Dadka aqoonta u leh diblomaasiyada ayaa tilmaama in mucaawiyoonku yihiin aalad la mid ah amaba ka xoog badan diblomaasiyada, lamana garan karo in arrintu ku koobnaan doonto mucaawino keliya iyo inay bilaabmi doonto diblomaasiyad cusubi.

Sida la ogyahay, Somaliland waxa ay cilaaqaad wanaagsan la leedahay Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo qayb ka ah is-bahaysiga uu hoggaamiyo dalka Sucuudigu, kaas oo siyaasad ahaan ay iska soo horjeedaan dowladda Qatar oo xulafo la ah dalalka Turkiga iyo Iiraan, iyadoo labadan xulafo uu ka dhexeeyo xafiiltanka siyaasadeed ee ka aloosan Mandaqadda Bariga Dhexe.

Dhanka kale, halka ay Somaliland cilaaqaad wanaagsan la leedahay Dalka Imaaraadka iyo Xulafadiisa, dalalalka Qatar iyo Turkiga ayaa cilaaqaad wanaagsan la leh dalka Soomaaliya, iyadoo tani ka tarjumayso xafiiltanka siyaasadeed ee u dhexeeya.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net