Maxaa ka dhexeeya Socdaalka Madaxweynaha DDSI ee Somaliland iyo Dagaallada ka socda Ethiopia?

Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaadhay Somaliland, waxaanu ujeeddada socdaalkiisa ku sheegay inuu saabsan yahay xoojinta xidhiidhka labada waddan.

Weftiga madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida waxa magaalada Wajaale oo ku taalla xuduudka labada waddan ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ay wehelinyaan Wasiirro kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland, waxaana weftiga loo soo galbiyey dhinaca caasimadda dalka ee Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland iyo Madaxweynaha DDSI oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inay labada dhinac leeyihiin xidhiidh wada-shaqayneed oo ay iska kaashadaan dhinacyada Nabadgelyada, Ganacsiga iyo ilaalinta xuduudka labada waddan, isla markaana sodaalka weftigu xidhiidh la leedahay arrimahaas iyo sidii loo dar-dargelin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqaynta ka dhaxaysa.

Socdaalka uu madaxweynaha DDSI ku yimi Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli ay dagaallo kooxo mucaarad ah iyo Ciidanka Dowladda Federaalku isaga soo horjeedaan ka socdaan Woqooyiga dalkaas.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo la weydiiyey in socdaalka weftiga madaxweynaha DDSI xidhiidh la leedahay dagaallada ka socda dalkaas, waxa uu sheegay in Somaliland ay dowladda federaalka Ethiopia oo DDSI ku jiro ay xidhiidh kala leedahay ama kala hadasho xaaladaha ka jira mandaqadda Geeska Afrika, balse wasiirku si toos ah ugama jawaabin su’aasha laga weydiiyey dagaallada ka socda Ethiopia iyo xidhiidhka weftiga madaxweyne Cagjar ka dhexeeya.

Dhinaciisa, Madaxweyne Mustafe Cagjar waxa uu ujeeddada socdaalkiisa ku sheegay mid la xidhiidha sii xoojinta xidhiidhka labada dhinac ee dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha maadaama oo DDSI yahay deris la tahay Somaliland, waxaanu sheegay inaanay jirin farriimo ay ka sidaan madaxda Federaalka Ethiopia oo ay la wadaagi doonaan madaxda Somaliland. Balse waxa uu sheegay inay jiraan arrimo ay doonayaan inay isla meel-dhigaan madaxda Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inay ku saabsan yihiin arrimihii ay markii horeba ka wada-shaqayn jireen.

Weriye Khadar Maxamed Cakuule oo ka tirsan laanta Afka Soomaaliga ee VOA oo Madaxweyne Mustafe Cagta weydiiyey in socdaalkiisu la xidhiidho dagaalka ka socda Ethiopia iyo in iyagoo ka wakiil ah Dowladda Ethiopia ay Somaliland u yimaaddeen si ay iskaashi Milatari u weydiistaan maadaama dagaallo ka socdaan waddankaas, waxa uu madaxweyne Cagjar meesha ka saaray inay arrimahaas wax lug ah ku leeyihiin ujeeddada socdaalka uu xilligan ku yimi Somaliland. Balse waxa uu qiray in madaxweynuhu in socdaalkiisu khuseeya sidii looga hortagi lahaa ama labada waddan uga wada shaqayn lahaayeen la-dagaalanka hubka sharci-darrada ah iyo kooxaha argagixisada ah.

“Arrintaasi ka mid ahaa socdaalka hadda, arrimaha ka jira dalka Ethiopia ama waa arrimo u gaar ah, Somaliland-na iskaashi noocaas oo kale oo aanu xilligan kala yeelanayno ma jiro. Laakiin si guud amniga deegaankyaga Somalida oo ah kan ugu soo xiga Ethiopia weeyaan sida la dagaalanka hubka sharci-darrada ah kooxaha argagixisada ah iyo dambiilayaal kale oo laga yaabo inay siyaabo kale uga shaqeeyaan mandaqadda, waxyaabahaas oo dhan ayaanu doonaynaa inaanu isla meel dhigno,” sidaas ayuu yidhi madaxweynaha dowlad-degaanka Soomaalida Ethiopia, Mustafe Muxumed Cagjar.

Warbixinno ay dhawaan daabaceen warbaahinta caalamka qaarkood, ayaa ka digay in kooxaha xag-jirka ah ee ka hawl-gala mandaqadda Geesku ay ka faa’idaystaan qul-qulatooyinka dagaal ee ka socda dalka Ethiopia.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net