Maxaa iska beddelay Xidhiidh Somaliland iyo Jabuuti, maxayse qabataa Safaaradda Dalkaasi ku leeyahay Hargeysa?

Hargeysa (SLpost)- Wakiilka Dowladda Jabuuti u fadhiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, Xuseen Cumar Kawaaliye, ayaa faahfaahin ka bixiyey noocyada adeegyada ay u qabtaan Jaaliyadda dalkaas ee ku sudan Somaliland iyo muwaadiniin socdaalka ku taga dalka Jabuuti.

Xuseen Kawaaliyeh oo maanta xafiiskiisa kula hadlay qaar ka mid ah warbaahinta, waxa kale oo uu sharraxaad ka bixiyey heerka uu xilligan gaadhsiisan yahay xidhiidhka labada waddan iyo waxa uu ka qabtay muddadii uu xilka hayay.

Muuqaalkan Hoose ka Daawo hadalka Danjire Kawaaliyeh.