Maxaa Dr Maxamed Cismaan Fadal ku kallifay inuu Iska Casilo Xisbiga WADDANI?

 

Hargeysa (SLpost)- Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid ah Aqoonyahannada reer Somaliland, ayaa ka hadlay sababta uu uga baxay Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI oo uu ka soo qabtay xilka xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbigaas oo uu muddo kooban hayay.

Dr Maxamed Cismaan Fadal oo u warramay Telefishanka Horyaal, waxa uu faahfaahiyey sababta uu isaga casilay xubinimada iyo xilkii uu ka hayey Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxaanu sheega inuu xilligan xoogga saarayo hawlihiisa gaarka ah, siyaasaddana faraha ka qaadayo si uu bulshada dhex-dhexaad ugu noqdo hawlaha uu Qaranka u hayo ee u gaarka ah.

“Xilkii Xisbiga ee Xoghayaha Arrimaha dibedda si rasmi ah ayaan u wareejiyey, Faadumo Siciid baa loo Magacaabay, muddadii ay Faadumo qabatay ayaa iigu dambaysay xilkaa, Xisbiga kamaan bixin ee waan ku jiray, waxaan ka mid ahaa Goleyaashiisa oo dhan, Golaha dhexe ayaan ka mid ahaa, guddiga fulinta ayaan ka mid ahaa, hoggaanka Xisbiga ayaan ka mid ahaa,”Sidaas ayuu yidhi Dr Fadal.

Isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray, “Markaa imika waxaan doonayaa inaan la wadaago Xisbigii iyo Ummaddaba aan u sheego si aan ugu Madax-bannaanaado taa imika aan ku jiro, inaan si buuxda iskaga casilay Xubinnimadii Xisbiga iyo Goleyaashiiba, oo aniga oo aan Dalka wixii aan u qaban jiray aan dhimayn aan qaybtaa aan ku jiray ee dhexdhexaadka ah aan xoogo saaro, tii cilmiga ha ahaato, tii Cilmi-baadhista ha ahaato iyo shaqooyinkii arrimaha bulshada ha ahaato, ama tii dimuqraadiyadda Riixisteeda ha ahaato oo aan malaha kagama manfac badnaa,” Sidaas ayuu yidhi Dr Maxamed Cismaan Fadal.

Dr Maxamed Cismaan Fadal waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha heshiiskii laga gaadhay khilaafkii ka taagnaa Komiishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland.

“Dimuqraadiyadda aynu dhisaynay curdin bay ahayd, rukunadeeduna waa doorashada, rukunka doorashadu ku fadhidaana waa Komiishanka. Komiishanku waa maxkamad, Komiishanku waa Cadaaladdii, waa kalsoonidii, markaa Taladii berigii dhawayd la soo wada fadhiistay ee la wada saxeexday ee Caalamku inoogu yimid wax ceeb ahi kuma jiraane ee Madaxweynaha iyo Xisbiyadu ku wada saxeexdeen, waajibka innaga saarani waa inaynu taas uun kaga dhabayno, talo ka wanaagsan oo la heli kari lahaa ma jirto”, ayuu yidhi Dr Maxamed Cismaan Fadal.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net