Mawqifka Suldaan Cabdirisaaq Oo La Wada Sugayo: Cuqaasha Subeeriyada Oo Maanta Saxaafadda La Hadlaya

Hargeysa(SLpost)- Suld. Cabdirisaaq Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan, ayaa la wada sugayaa, lana eegayaa mawqufka uu kaga jawaabo xiisada ka taagan Suldaankii guud ee Subeer Awal Suldaan Xasan Suldaan Cabdillaahi, oo ay kooxo is urursaday sheegeen inay xilkii ka qaadeen, iyagoo u doortay bedelkiisa Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan, oo ay ilmaadeer yihiin Suldaan Xasan.

Arrintan oo magaalada Hargeysa laga dareemayo xiisadeeda, ayaa waxa la sugayaa inuu mawqifkiisa cadeeyo Suldaan Cabdirisaaq oo ah ninka leh dhaxalka saldanada Subeer Awdal oo isagu hore u cadeeyay inuu walaalkii Suldaan Xasan u wakiishay inuu u sii hayo Saldanada faca weyn ee Subeer Awdal.

Suldaan Cabdirisaaq, ayaa inkastoon war rasmi ah laga haynin, haddana wararku waxay sheegayaan inuu la mawqifyahay walaalkii Suldaan Xasan islamarkaana uu diyaar u yahay inuu difaaco kursiga Saldanada ee uu hore uga sii wakiishay walaalkii.

Waxaanay wararku intaas ku darayaan in Suldaan Cabdirisaaq oo qorshaystay inuu Hargeysa yimaado uu hadda wakhti kooban baaqday, ka dib markii ay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Subeer Awdal ka dalbadeen inuu dib u dhigo safarkiisa, bedelkiisana ay iyaguna maanta muujiyaan mawqifka ay ka taaganyihiin arrintan cusub ee lagu sheegay in xilkii laga qaaday Suldaan Xasan islamarkaan lagu caleemo saaray Suldaan Maxamed.

Madaxdhaqameedkan ayaa la filayaa inay maanta qabtaan kulan saxaafadeed ay ku iftiimin doonaan mawqifkooda islamarkaana ay ku cadayn doonaan inay ka soo horjeedaan in la farogeliyo saldanadaas.

Suldaan Xasan, ayaa u muuqda inuu qaatay go’aan ah inaanu isagu arrintan ka hadal, balse uu u daayo walaalkii Suldaan Cabdirisaaq iyo madaxda dhaqanka ee kale ee taageersan.

Geesta kale, rayul caamka ayaa u muuqda inay intooda badani mawqif isku mid ah kaga jawaabtay arrintan taas oo ah inay dadka badankiisu ka soo horjeedaan waxa loogu yeedhay xil ka qaadista loogu sameeyay Suldaan Xasan, waxaanay dad badani aaminsanyihiin in arrintani haddii aan halkeeda lagu bakhtiin ay noqon karto jid furma oo hadba si fudud loogu tijaabiyo madaxdhaqameedyo kale.